Diplomaasiin ka tirsanaa Xukuumadii Ex M/weyne Xasan oo xilal lama filaan ah Farmaajo u magacaabay

2017-02-17 07:46:53



Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxa Habmaamuuska Madaxweynaha.

Cali Saciid Faqi, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Wadamada Benelux, oo ka tirsanaa Xukuumadii Ex Madaxweynihii hore Xasan Culusoow ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya (Chief of Staff).



Sidoo kale Siyaad Maxamuud Shire ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hab maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.

Siyaad oo in muddo ah u soo shaqeeyay dowladdu wuxuu saaka ka hor ahaa Qunsulka Guud ee Jiddah, ka horna Qunsulka Nairobi, 2012 wuxuu muddo kooban ahaa Xildhibaan, ka horna wuxuu la shaqeeyay Ra’iisal Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Waa xilalkii ugu horeeyay oo uu Magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la wareegay xafiiska Madaxtooyada.

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions