Bayer Munich oo xasuuqday Arsenal cashar lama ilaawaan ah u dhigtay

2017-02-16 06:46:18



Bayern Munich Oo Allianz Fadeexad Ku Soo Baday Arsenal, Thiago Alcântara Oo Laba Goo Dhaliyay, Xili Gunners Ay Xili Ciyaareedkii Todobaad Oo Xidhiidh Ah Ay Ugu Dhawaan Ka Hadhay Champions Leaque-ga.
by Mohamoud Batalaale | Thursday, Feb 16, 2017

Bayern Munich ayaa markale Allianz Arena fadeexad kubbadeed ku baday kooxda ay dhibaatada badan ku soo abuuri jirtay ee Arsenal. Carlo Ancelotti iyo wiilashiisa Bavaria ayaa 5:1 ku gumaaday Arsenal oo ceeb wayn markale kala laabtay kulan kale oo ay Bayern Munich marti u ahayd.

Thiago Alcântara ayaa kulankan isku muujiyay wuxuuna ka dhaliyay laba gool  halka uu sidoo kale sameeyay hal gool caawin, waxanaa kulankan min hal gool ka dhaliyay  Arjen Robben , Robert Lewandowski iyo Thomas Müller oo kaydka ka soo baxay isla markaana laba daqiiqo gudahood goolka shanaad ee Bayern Munich ku dhaliyay. Natiijadan ayaa la mid ah guuldaradii waji gabaxa ahayd ay sanadkii 2015 Gunners kala laabtay isla Allianz Arena.

Bayern Munich ayaa haddaba kala badh kula sii jirta wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga halka Arsenal ay xili ciyaareedkii todobaad oo xidhiidh ah ay ugu dhawaan dibada ka joogto tartanka ay koobkiisa ku soo hungowday ee Champions Leaque-ga. Waa kulankii 16 aad oo xidhiidh ah ee ay Bayern Munich gurigeeda ku guulaysto Champions Leaque-ga waana rekoodh iyada khaas u ah.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Bayern (4-2-3-1): Neuer; Lahm, Hummels, Martínez, Alaba; Xabi Alonso, Vidal; Robben, Thiago, Costa; Lewandowski.

Kaydka: Ulreich, Rafinha, Bernat, Kimmich, Sanches, Muller, Koman.

Arsenal (4-2-3-1): Ospinal Bellerin, Mustafi, Koscielny, Gibbs; Xhaka, Coquelin; Oxlade-Chamberlain, Ozil, Iwobi; Alexis.

Kaydka:Cech, Gabriel, Monreal, Elneny, Walcott, Welbeck, Giroud.

Kulankan ayaa ahaa kulan xiiso badan isla markaana waqti badan laga war sugayay waxaana lays waydiinayay haddii Arsenal ay ka baaqsan karto in Bayern Munich ay sii wadan karto rekoodhka cajiibka ah ee Allianz Arena ku soo haystay 15 kii kulan ee ugu danbeeyay oo ay dhamaantood soo guulaysatay. Gunners ayaa kulankan muujisay qaab ciyaareed aan looga baran oo ah difaacasho iyo weerar deg deg ah waxayna ahayd xalka kaliya ee ay Bayern Munich dhibatada ugu abuuri kareen.

Qaybtii h--e ee kulankan ayaa ahaa mid ay Bayern Munich boqolkiiba 79% boosishanka lahayd halka Gunners ay haystay boqolkiiba 21% laakiin hadda Arsenal ayaa ahayd kooxda fursadaha ugu badan e ugu halista badan goolka Bayern Munich ku bartilmaameedsatay.

Bayern Munich ayaa 10 darbo ku tuurtay goolka Arsenal laakiin 3 kaliya ayaa bartilmaameedkooda helay qaybtii h--e ee kulankan halka Arsenal ay lix darbo oo kaliya la beegsatay goolka Bayern Munich laakiin 5 ka mid ah ayaa goolka Bayern Munich toos ugu aaday.

DAQIIQADII 11 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Alla muxuu gool ahaa! Waxaa looga soo bartay in uu dhaliyo goolasha noocan ah, waxaana markale saamayntiisa la soo baxay Arjen Robben kaas oo inta uu kubbada ka farsamaystay Coquelin si fiican u garaacay David Ospina oo awoodi waayay in uu wax badbaadin ah sameeyo waxaana gool caawin fiican Robben u sameeyay Douglas Cost, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Bayern xili horeba hogaanka ciyaarta ku qabatay.

Bayern Munich ayaa sii waday cadaadiska ay Arsenal ku haysay laakiin Gunners ayaa doonaysay in ay qorshaheeda ciyaarta si buuxda u hawl galiso oo ay si adag u difaacato markasta oo ay Bayern Munich kubbada hayso halka marka ay kubbada dib ugu guulaystaan ay weerar deg deg ah galayeen.

DAQIIQADII 29 AAD REKOODHE!! Arsenal ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay ciyaarta ugu soo laaban kartay waxaana qalad rekoodhe galay Robert Lewandowski isaga oo doonayay in uu kubbad iska saaro xerada ganaaxiisa qalad ugugalay Laurent Koscielny wuxuuna garsooruhu tilmamaay gool ku labaad oo ahaa waxa ugu fiican ee ay Gunners filan kartay.

DAQIIQADII 30 AAD BADBAADIN +GOOOOOOOOOOOOOL! Ma rumaysan kartid waxa goobta ka dhacay, Alexis Sanchez ayaa qasaariyay rekoodhaha kooxdiisa loo dhigay waxaana si fiican u badbaadiyay goolhaye  Manuel Neuer, mar labaad Sanchez ayaa qasaariyay kubbada Neuer ka soo booday, laakiin mar saddexaadkii xidiga ree Chile ayaa kubbada si qurux badan u dhamaystiray, laakiin difaaca Bayern Munich ayaa si bilaa micno ah u daawanayay oo ku fashilmay in ay kubbada iska saaraan wuxuuna  Manuel Neuer difaaciisa ku tilmaamayin ay waalan yihiin, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 34 AAD Bayern Munich ayaa laga beeniyay rekoodhe cadaan ahaa waxayna Gunners nasiib ku lahayd in garsooruhu aanu markooda ku ciqaabin in uu rekoodhe ku dhigo kadib markii uu Hictor Bellerin uu ku gacanta ku celiyay karoos uu Alaba ku soo tuurayay goolka Arsenal, laakiin inkasta oo ay ciyaartoyda Bayern si xoogan ugu doodeen in rekoodhe loo dhigo garsooraha ayaa iska diiday.

DAQIIQADII 36 AAD Lewandowski ayaa kooxdiisa ka lumiyay fursad cajiib ahayd isaga oo kubbada wax yar sare ka mariyay birta goolka hal wax yar kadib uu Hummels isna uu lumiyay darbo kale oo madax ah waxayna Bayern Munich ayaa si wayn u doonaysay goolkeeda laabad.

DAQIIQADII 40 AAD Alla maxay fursad ahayd!!. Mesut Ozil ayaa si cajiib ah uga daba baxay difaaca Bayern Munich wuxuuna helay fursad uu wajahay goolhaye Neuer laakiin xagasha uu xerada ganaaxa Ozil ka soogalay oo adkayd awgeed ayuu Neuer awooday in uu lugta isaga saaro halista. Si kastaba qaybtii h--e ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro 1:1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta  ayay Bayern Munich soo laabtay iyada oo duufaan iyo dardar aan la arag ku socota waxayna markiiba dhul gariir ku bilawday kooxda martida ahayd ee Arsenal oo ku jaho wareertay wacdaraha cusub ee ay la soo baxday kooxda Bavaria.

DAQIIQADII 49 AAD Arsenal ayay dhibaato wayni soo gaadhay kadib markii uu dhaawac soo gaadhay Laurent Koscielny waxaana lagu soo badalay Gabriel Armando, waxayna tani keentay difaaca Arsenal uu si xun u dhibtootay qaybtii danbe ee kulankan.

DAQIIQADII 53 AAD GOOOOOOOOOOL! Robert Lewandowski ayaa kooxdiisa Bayern Munich u keenay goolkeeda labaad kadib markii uu u awood sheegtay Mustafi isla markaana uu goolhaye David Ospina ceebtiisa banaanka soo dhigay waxaana caawin fiican dhinaca midig ka soo sameeyay  Philipp Lahm, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Bayern Munich hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

DAQIIQADII 56 AAD BA BABABABA GOOOOOOOOOOOOOL! Bayern Munich ayaa si deg deg ah ula timid goolkeeda labaad laakiin ma rumaysan kartid qaabka Alonso, Lewandowski iyo  Thiago Alcântara ay u kala dhantaaleen isla markaana ay cidlo ugaga tageen difaaca Arsenal oo ceeb wayni soo gaadhay, waxaana kubbada lagu soo xaragooday goolka saddexaad ku dhaliyay  Thiago Alcântara kaas oo David Ospina si sahlan ku garaacay kadib markii uu Lewandowski uu cidhib kaga helay kubbad layaableh, waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Bayern kudubanayso Arsenal.

DAQIIQADII 62 AAD Lewandowski ayaa kubabda la soo gaadhay goolka Arsenal waxaana ku soo baxay Ospina laakiin darbo uu sameeyay ayaa birta goolka ka soo booday balse kubbada uu Arjen Robben goolka afraad ee Bayern Munich oo ku dhalin lahaa ayuu Gibbs gacanta kaga joojiyay, laakiin waxaa noqotay waxaan la rumaysan karin in markale garsooruhu diiday in rekoodhe ay tahay, Robben iyo Alonso ayaa calanwadaha utagay laakiin waxba ismay badalin.

DAQIIQADII 64 AAD GOOOOOOOOOOOL! Haddii uu garsooruhu laba daqiiqo ka hor uu diiday in uu Bayern rekoodhe udhigo laakiin  Thiago Alcântara ayaa markiiba kooxdiisa u keenay goolkiisa labaad iyo kan afraad ee ay Bayern Munich ku ceebaysay kooxda Arsenal ee murugada xun markale la kulmaysay waxayna ciyaartu noqotay 4:1 ay Bayern Munich dhul gariir ugu wado Gunners.

Ciyaarta ayaa noqotay Bayern oo weerar ah iyo Arsenal oo aan xataa si fiican udifaaan karin waxaana laga cabsan karayay in fursad kasta oo ay Bayeern Munich samaysay uu gool noqon karo. Arsenal ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta iswayday. Bayern Munich ayaaba u muuqatay sidii ay tababar qaadanayso halka Arsenal ay ku jirtay xaald nafbax ah.

DAQIIQDII 88 AAD GOOOOOOOOOOOL! Bayern Munich ayaa fadeexada ku sii waday kooxda ay macmuusha ka dhigtay ee Arsenal, waxaana yaab noqotay in Thomas Müller uu kaydka ka soo baxya isla markaana uu laba daqiiqo in ka yar uu ku dhaliyay goolka wadnaha sii gooyay Wenger iyo kooxdisa ceebta kale soo doonatay waxana markale goolan caawintiisa sameeyay xidiga Gunners kala dhantaalay ee Thiago waxayna ciyaartu noqotay 5:1 ay Bayern Munich ku xasuuqayso Arsenal

Qalinkii:Maxamuud Batalaale

Comments

Opinions