Nabadoon caan ah oo Muqdisho lagu toogtay iyo faahfaahino ka soo baxaya

2017-02-16 06:27:40


Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne) oo ka tirsanaa nabadoonada caanka ah ee beelaha Soomaliyeed.

Dilka nabadoonka ayaa ka dhacay salaaddii Maqrib ka dib agagaarka masaajid ku dhow Suuqa-weyn ee degmada Wadajir, wax yar ka dib markii uu ka soo baxay tukashada salaadii Maqrib.

Laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa rasaas ooda kaga qaaday nabadoonka oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn masjidka sida dad goob joogayaal ahi sheegeen, kuwaasoo ka baxsaday goobta.

Ciidamada booliska degmada Wadajir ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaas ka sameeyey howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geystay inkastoo aysan ku guuleysan.

Nabadoon Muuse Ilka-weyne ayaa ka tirsanaa Odayaasha caanka ah ee Beesha Daa’uud, Abgaal iyadoo degaanka si weyn looga garanayey, lamana oga illaa hadda sababta kooxahan hubeysan ay u dileen iyo waxa uu dilkiisu salka ku hayo.

Dilalka waxgaradka beelaha Soomaaliyed loo geysnayo ayaa ku soo laalaabta magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood Habeen ka hor ayeyna aheyd markii Nabadoon kale oo la oran jiray Bashiir Maxamed Cali (Xagaley) lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Source:Allbanaadir

Comments

Opinions