PSG Oo si xun u Xasuuqday Barcelona

2017-02-15 06:03:16



PSG ayaa garoonkeeda  Parc des Princes ku soo ceebaysay kooxdii ay xili ciyaareedyada badan dhibanaha u soo ahayd ee Barcelona, waxayna kooxda ree France muujisay sida ay xili ciyaareedkan horumar layaableh ugu hoos samaysay tababare Unai Emery. Barcelona ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liitay iyada oo awoodi wayday in ay xataa la timaado wax goolal marti ah oo ay kulankan danbe ku xisaabtami karto.

Angel Di Maria ayaa la soo baxay qaab ciyaareedkiisii layaabka lahaa wuxuuna kulankan ka dhaliyay laba gool oo qurux badan halka min hal gool ay dhaliyeen Julian Draxler iyo Edinson Cavani. Barcelona ayaa kulankan si dhab ah ugu soo fashilantay, waxayna PSG sii qabsatay shaqo layaablehn. PSG ayaa 4:0 ku dubatay kooxda markii ugu danbaysay celcelis ahaan ku reebtay 5:1

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

PSG (4-3-3): Trapp; Meunier, Marquinhos, Kimpembe, Kurzawa; Verratti, Rabiot, Matuidi; Di Maria, Cavani, Draxler.

Kaydka:Areola, Maxwell, Aurier, Lucas Moura, Pastore, Ben Arfa, Nkunku.

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Sergi Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Iniesta, Andre Gomes, Busquets; Messi, Suarez, Neymar.

Kaydka: Cillessen, Rakitic, Denis Suarez, Rafinha, Alcacer, Digne, Mathieu.

PSG ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo xusuusan dhibaatadii Barcelona ka soo gaadhay sanadkii 2015 ee ay labada guriba guuldarada ku baday isla markaana ay celcelis ahaan labada kulan ugaga badisay 5-1 ka waxayna kooxda ree France doonaysay in ay ka faa’iidaysato xaalada fiican ee ay ku jirtay isla markaana ay markeeda ka aarsato Barcelona.

Qaybtii h--e ee kulankan waxaa garoonka wax kasta ka samaysay PSG waxayna jiif iyo joogba u diiday Barcelona oo soo bandhigtay mid ka mid ah qaab ciyaareedkii ugu liitay. Waxaa qaybtii h--e ee kulankan lays waydiinayay haddii ay Barcelona-dii la yaaqanay ciyaarayso iyo in koox kale ay maaliyadeeda soo xidhatay, taa oo la micno ah in kooxda Luis Enrique ay qaybtii h--e ee kulankan si buuxda u fashilantay.

Weerarka ka koobnaa Angel Di Maria, Julian Draxler iyo Edinson Cavani ayaa dhul gariir ku abuuray difaaca Barcelona waxayna ahaayeen xidigaha cabsida wayn ku abuurayay Ter Stegen oo bilawgii kulankan badbaadino fiican sameeyay balse ay markii danbe xaaladu ku xumaatay.

Qoraha PSG ayaa ahaa in marka ay kubbada haysato ay si deg deg ah weerar buuxda u gasho iyada oo Draxler iyo Maria ay labada garab kubbado halis ah kala soo xaroonayeen laakiin marka ay Barcelona kubbada hesho ayay PSG si buuxa dib ugu laabanaysay taas oo meesha ka saartay fursad abuuristii Barcelona.

DAQIIQADII 11 AAD PSG ayaa u muuqatay in ay heshay fursadii goolka furitaanka laakiin da’yarka Rabiot ayaa awoodi waayay in uu fursad dahabi ah gool u badalo waxaana fursadan beeniyay goolhaye Ter Stegen halka uu sidoo kale Cavani fursado fiican xili horeba lumiyay.

DAQIIQADII 18 AAD GOOOOOOOOOOOOL! PSG ayaa ugu danbayn heshay waxa ay u qalantay oo ahaa goolka furitaanka kadib markii uu Angel Di Maria si fiican oo qurux badan uu u dhamaystiray kubbad laaga xorta ah oo uu Umtiti qaladkeed ku qalay Draxler. Ter Stegen ayaa kuwar helay kubbada oo shabaqiisa galaysa manay jirin wax uu ka qaban karayay waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay PSG hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Weerarka PSG ayaa sii laba jibaarmay waxayna kalsooni wayn ka heshay goolka waxayna kooxa Unai Emery u muuqatay in ay tahay kooxda goolasha badan laga filan karayay halka Barcelona ay awoodi wayday in ay kubbada isku dhiiban karto. Neymar JR oo kaliya ayaa laga dareemayay wax dhaqdhaaq fiican ah waxana muuq beelay Busquets iyo Iniesta oo u muuqday kuwo uu Luis Enrique ku qaldanaa in uu ku soo wada bilaamo maadaama oo ay dhaawacyo ka soo laabteen.

DAQIIQADII 28 AAD Barcelona ayaa naf iska raadisay waxaana kubbada aad u qurux badan soo dhisay Neymar JR oo ahaa xidiga kaliya ee PSG ay iskugu tagtay wuxuuna kubbad ilaa ah u bixiyay Andre Gomes oo goolka PSG kubbada ku hor helay, wuxuuna ubaahnaa kaliya inuu goolhaye Trapp kubbada dhaafiyo, laakiin qaabka liidata ee uu darbadiisa goolka ugu tuuray ayuu goolhaye Trapp iska badbaadiyay, waxayna ahayd fursada kaliya ee gool lagu dhalin karayay ee ay Barcelona heshay qaybtii h--e ee kulankan.

DAQIIQADII 34 AAD PSG ayaa markale soo qaaday weerar kale oo cajiib ah waxaana kubbada dhinac bidix kala soo xarooday xidiga Barcleona nafta ukeenay ee Draxler laakiin xidiga ree Germany ayaa ugu danbayn kubbada ku darbeeyay goolka Barcelona waxaana banaanka iskaga saaray Ter Stegen.

DAQIIQADII 40 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Markale PSG ayaa heshay goolkeeda labaad ee kalsoonida wayn u siyaadiyay waxana markan Barcelona goolkan ugu qubeeyay Julian Draxler kaas oo markiisa helay goolka uu PSG ku dhigay xaalada fiican ee ay iskaga yaraysay cadaadiska soo kordhayay ee Barcelona kaga imanayay, waxaana si qurux badan goolkan u caawiyay mishiinka khadka dhexe ee Marco Verratti waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay PSG hogaanka ku dheeraysatay.

Inkasta oo Barcelona ay 15 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay ay awooday in ay kubbada si adag uga shaqayso, haddana qaabka aan dhiirananata lahayn ee ay ku ciyaaraysay ayaa sabab u noqday in ayna PSG xaaladu xun ku abuurin. Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaa ciyaarta ku dhex lumay, waxayna PSG ku raaxaysatay qaybtii h--e ee kulankan waxaana lagu kala nastay 2:0 ay PSG hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuuna Luis Enrique waxba ku qaadan musiibadii ay kooxdiisu ku jirtay qaybtii h--e ee kulankan wuxuuna garoonka kula soo laabtay isla shaxdii uu ciyaarta ku soo galay, waxayna markale PSG sii wadatay layaabkii ay qaybtii h--e soo bandhigtay.

DAQIIQADII 55 GOOOOOOOOOOL! Ma rumaysan kartid waxa garoonka ka socday waxayna PSG markan heshay goolka ay Barcelona niyadjabka wayn ugu sii abuurtay waxaana isaga oo aan is dhibin si sahlan goolkan darbo qurux badan goolka Barcelona ugu tuuray Angel Di Maria, laakiin goolhaye Ter Stegen ayaa markale ku fashilmay in uu sameeyo wax gool badbaadin ah iyada oo Maria uu kubbada ka soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay PSG hoganka kaga hayso Barcelona!!!!!!!.

DAQIIQADII 57 AAD Enrique ayaa badalkiisa ugu horeeyay sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saartay xidiga khakda dhexe sida dhabta ah ugu fashilmay ee Andre Gomes wuxuuna kaydka uga yeedhay Rafinha Alcântara dhinac kale Unai Emery ayaa badalay xidiga kulankan labada gool ka dhaliyay ee Di Maria wuxuuna kaydka uga yeedhay Lucas Moura.

DAQIIQADII 69 AAD PSG ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay waxanaa in la badalo dalbaday Marco Verratti oo shaqo cajiib ah khakda dhexe ka qabtay waxaana lagu soo badalay Christopher Nkunku, waxayna wali PSG sii ahayd kooxda halista ugu badan abuuraysay.

DAQIIQADII 71 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! PSG ayaa halkeeda ka sii wadatay ciqaabta xun ee ay ku haysay Barcleona waxaana markan taabasho hal mar ah oo cajiib ah ku dhaliyay goolka ceebeeyeen Barcelona xidiga goolkiisa sugayay ee Edinson Cavani laakiin waxaa shaqo layaableh oo qabtay Thomas Meunier kaas oo Cavani kubabda ugu geeyay goolka Barcelona hortiisa,wuxuuna difaaca Barcelona noqday mid kubbadii loola yimaadaaba ay shabaqa halis wayn ugu jirtay waxayna ciyaartu noqotay 4:0 ay PSG ku xasuuqayso Barcelona.

Wax badan ayaad soo aragtay Barcelona oo 4:0 ama wax ka badan koox ku hogamainaysa balse markan waxaa garoonka joogtay Barcelona aan ahayn tii la yaqaanay. Daqiiqadii 73 aad Enrique ayaa ciyaarta ka saaray Andrés Iniesta oo aan markanba kulanan isku muujin waxana kaydka looga yeedhay Ivan Rakitić.

PSG ayaa noqotay kooxdii lixaad ee Barcelona afar gool kaga dhalisay Champions leaque-ga waxaana ka soo horeeyay kooxaha AC Milan, Dynamo Kiev, Valencia, Chelsea, Bayern Munich. Barcelona ayaa isku dayday in ay ugu yaraan raadiso wax goolal ay marti ahaan ku xisaab tami karto waxaana fursado fiican ka lumiyay Neymar iyo Umtiti.

Barcelona ayaa awoodi wayday in ay gaadho shabaqa PSG iyada oo wayday in ay xataa hal gool oo marti ah la timaado inkasta oo ay rekoodhe heleen oo difaaca PSG uu gacanta kubbada kaga joojiyay Neymar, haddana garsooraha ayaan fursadan oo ay Barcelona ku dooday waxba ka soo qaadin.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:0 ay PSG ku soo xasuuqday kooxda la faliyay in kulankan ay ugu cad cadayd ee Barcleona oo waji gabax wayn kala soo laabtay  Parc des Princes oo ay markii ugu danbaysay guul raaxo leh ku soo gaadhay. Waxaana lays waydiinayaa in Barcelona ay Camp Nou ku awoodi doonto in ay natiijadan xun dhinaca kale u dhigi karto.

Qalinkii:Batalaale

Comments

Opinions