Xildhibaan Saciid X Geedi oo Muqdisho lagu aasay(Marxuumka ayaa muddo ku xanuunsanaa Isbitaal Digfeer kamana qeyb-galin doorashadii M/weynaha

2017-02-14 05:19:32

Waxaa Muqdisho lagu aasay xildhibaan ka tirsanaaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo saaka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday ka dib in muddo ah oo uu xanuunsanayey.

Marxuum xildhibaan Siciid Xasan Geeddi ayaa u geeriyooday xanuunka dhiig-karka oo in muddo ah uu la ildarnaa sida ay sheegeen dad eheladiisa ka mid ah.

Waxaa uu ahaa xildhibaanka kaliya ee ka maqnaa codbixintii baarlamanka Soomaaliya ku doortay madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaankan geeriyooday ayaa ku soo biiray Baarlamanka sanadkii 2012-kii, isagoo ka mid ahaa xildhibaanada dhowaan dib loo soo doortay ee baarlamanka Somalia.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi.

Gudoonka Baarlamanka Somalia ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyey geerida xildhibaanka iyagoo Alle uga baryey inuu janadii ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxaa ka qeyb galay aaska xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya iyo dadweyne.

Comments

Opinions