Ina Soo Weerara Hadaad Ku Dhacdaan”: Xiddiga Bayern Munich Vidal Oo U Cagajugleeyay Arsenal

2017-02-14 04:55:26




Xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich Arturo Vidal ayaa ugu baaqay Arsenal inay kubad weerar ah ciyaaraan ka hor kulanka labada kooxood ay isku arkayaan koobka Champions League.

Arsenal ayaa u safreysa Munich lugta koowaad ee wareega 16ka habeenka Arbacada.

Kooxda Gunners ayaa guul ay u baahneyd gaartay Sabtidii ka dib markii ay Emirates kaga badiyeen Hull City.

Laakiin waxa ay mar kale wajahayaan tijaabo adag iyagoo la kulmaya kooxda hogaamineysa Bundesliga kuwaasoo badiyay 15 ka mid ah 20kii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan.

Bayern Munich ayaa ku reebtay Arsenal wareegaan seddex jeer durbaba, laakiin Vidal ayaa rajeynaya in Gunners ay isku daydo inay kubad weerar ah ku ciyaarto Allianz Arena.

“Halkaan Jarmalka kooxaha oo dhan waxa ay ciyaaraan kubad difaacasho ah marka ay la dheelayaan Bayern Munich” ayuu Vidal u sheegay TZ.

“Marka la joogo Champions League kooxaha oo dhan waxa ay isku dayaan inay ciyaaraan kubad fiican.

“Waxaan rajeynayaa in Arsenal ay u ciyaari doonto sidii ay ciyaareysay xilli ciyaareedkan oo dhan horyaalka Ingariiska, waxaan rajeynayaa inay doonayaa inay kubad fiican nagala horyimaadaan.

“Kooxaha waxa ay soo bandhigaan waxa ay ka sameyn yihiin marka la joogo tartamada Yurub. Waana sababta ay Bayern Munich wajigeeda dhabta ah ugu soo bandhigi doonto Champions League.”

Qalinkii:Saed Balaleti

Comments

Opinions