Booliiska Kampala oo fashiliyay dhac loo geysan-lahaa Qoyska Soomaalidda ugu taajirsan ee Bahda CityOil+CityTyres+Javas+Mandela-Group ee Ilma-Xaaji-Axmed(Ma Runbaa Cumar Mandella iyo Xuseen Xaaji inay dhaawacmeen?

2017-02-12 13:14:34

Booliiska Ugandha ayaa toogtay mid ka mid ah Burcadda,gacantana ku dhigay 6-kale oo ku hubeysan Qoryo Ak-47 iyo Bistooladdo,waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay gaari Nooha oo ay wateen,kuwaasoo doonayay dhac inay u geystaan Shirkadda City-Oil+City-Tyres+Javas,qeybta ku taal Xaafadda Kamwokya ee Kampala.

Shacabkamedia ayaa u xaqiijinaya Soomaalidda Ugandha inaysan wax dhaawac soo gaarin Ganacsadde Cumar Xaaji Axmed(Cumar-Mandeela) iyo Walaalkiis Xuseen Xaaji Axmed oo iska lahaa Xaruntan City-Oil ee Burcadda doonaysay inay dhac u geystaan.

Waxaana na loo xaqiijiyay 2-daas Ganacsadde inay bad-qabaan oo haba-yaraatee xagtin aysan gaarin,waxaana xusid mudan Ilma Xaaji Axmed inay yihiin Qoyska ugu taajirsan Soomaalidda,waxayna iska leeyihiin Shirkadaha CityOil+CityTyres+Javas+Mandella-Group

Booliiska ayaa magacyadda Burcadda gacanta lagu dhigay ku sheegay,6-Burcad oo lagu kala magacaabo,Douglas Kintu, Khalid Ogwal, Nicholas Baguma Francis, Robert Okello, Frank Lukwago, and Tony Nume.

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions