19-Askari oo 2-Sarkaal ay ka mid yihiin oo Ciidamadda Dawladda looga dilay dagaal ka dhacay Sh/Hoose(Waa weerarkii ugu horeeyay ee 4-Maalmood kadib doorashadii Farmaajo lagu qaado Ciidanka DF

2017-02-12 11:43:18

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saaka ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.


Dagaallada oo ahaa kuwa saacada badan socday ayaa lagu dilay ugu yaraan 19 Askari oo ay kamid yihiin Saraakiil sarsare oo katirsanaa melleteriga Dowladda Federaalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalladii ka dhacay Warmaxan,Tixsiile iyo tuulada Garas-Mandiile lagu dilay 10 Askar.


Weerar kale oo loo adeegsaday Miinooyin iyo gantaallada garbaha laga rido ayaa qabsaday gaadiid gurmad ahaa oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Warmaxan waxaana ka dhashay khasaara lixaad leh.

Al Shabaab waxay sheegtay in qarax Miino ay ku dishay 9 Askari oo 3 kamid ah ay yihiin saraakiil sarsare, khasaaraha ugu badan ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxa iyo weerarka dhabagalka ah ee ka dhacay duleedka Warmaxan waxaana weerarkaasi lala helay ciidamo gurmad ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in saraakiisha ladilay uu kamid yahay Korneyl Bakaati oo caan ka dhax ahaa melleteriga DF-ka ee ka howlgala inta u dhaxaysa Muqdisho iyo W/weyn iyo Taliye kuxigeenkii Guutadda 6-aad

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in laba gaari oo ay wateen saraakiisha Dowladda Federaalka ay ku qabtay dagaalkii Warmaxan ka dhacay.

Waa Weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo ay Shabaabul ku qaado ciidanka DF-ka tan iyo markii Baarlamaanka Dowladda uu madaxweyne u doortay Max’med Cabdullaahi Farmaajo

Shacabkamedia-Afgooye-Sh/Hoose

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions