4-sanno oo khasaaro ah ayay ku dambeyn-doontaa doorashadda Jaale Farmaajo hadii uusan qaadan taladan aan siinayo:Qalinkii:Suldaan Godo-Godo

2017-02-09 12:03:07

Marka hore waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo oo shalay Xildhibaano ka careysan fara-galinta General Gabre iyo Itoobiya Codkoodda shalay ku ciil-baxay.

Ma jecli maqaal-dheer inaan halkan ku xardho,balse hal tallo  oo qurra ayaan kuu jeedinayaa Jaale Farmaajo,hadii aad  qaadatid waad guuleysanaysaa,hadii aadan qaadana waa guuldareysanaysaa.

Madaxweyne waxaa kaa horeysay 8-Madaxweyne,dhamaantood waxay ku fashilmeen markii ay saldhigteen Magaaladda Muqdisho oo ah Qabri ay ku hungoobeen Madaxweynayaashii kaa horeeyay.

Hadaba hadii aad doonaysid inaad guuleysatid,waxaan talo kugu siinayaa,Magaaladda Muqdisho inaad ka wareejisid Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,hadii aad ku adkeysatid Muqdisho inaad saldhigatid,doorashadda 4-ta sanno lagu doortay waxa ay ku dambeyn-doontaa(Hal bacaad lagu lisay)

Koley aniga waxaan ka mid ahay Dadka aaminsan doorashadda lagu doortay inaysan waxba soo kordhinaynin,inta ay Muqdisho tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,balse waxaan ku taageerayaa kolka aad Qabriga Muqdisho ee 8-da Madaxweynihii ee hore ay ku hungoobeen aad ka bedeshid Caasimadda una wareejisid Xukuumadda Magaallo  aan aheyn Xamar,hadii aadan taladdan qaadan,doorashadaada 4-ta sanno waxay ay ku dhamaan-doontaa:Shimbiryahoow Heesa,Hees,wanaagsan Heesa)

Qalinkii:Suldaan Godo-Godo

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions