CCC Sharmaarke oo is-casilay kuna dhawaaqay:No-More Abgaal codkana ugu shubayo Farmaajo:(Riyadii Xasan Culusoow iyo Gaas ee 4-sanno in dib loo doorto waa soo af-jarmaysaa Farmaajo ayaana M/weyne loo dooranayaa:Qalinkii Hadal-heynta Shacabka

2017-02-08 13:44:48

Murashax CCC Sharmaarke ayaa is casilay wareegii 2-aad,isagoo gacan-qaaday Murashax Farmaajo oo helay codad gaaraya 72,waxaana uu ku dhawaaqay,ereyo ay ka mid yihiin(No-More-Abgaal),waxaana loo fasirtay inuusan dooneyn 3-jeer oo isku xigta Madaxweyne Abgaal ah in Muqdisho lagu doorto.

CCC Sharmaarke ayaa Xildhibaanadda ka codsaday markii uu iscasliyay inay isbedelka u hiilayaan,waxaana ay u badan-tahay codadka Xildhibaanadda isbedeldoonka ah inay ugu shubaan Farmaajo,sidaasna uu wareega 3-aad ku noqdo Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya

Murashaxiinta isbedel-doonka ayaa ku balamay,Murashaxa ku soo xiga Xasan Culusoow inay codka ugu shubaan,waxaana la saadaalinayaa cod aqlabiyad ah oo dhaafaya 180-cod iyo ka badan inuu wareega 3-aad ku guuleysan-doono Farmaajo.

 

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions