War hadda soo dhacay:Gaas oo Xildhibaanadda Puntland ugu hanjabay qofkii codkiisa Cali Xaaji siiyo inuusan dib dambe Garoowe ugu soo laaban-doonin(Waa ayaan-darro ninkii 17-kii cod uu siiyay M/weynaha ka dhigay inuu Muqdisho uga daba-tagay

2017-02-07 13:51:50

Madaxweynaha Puntland oo kulan dar-daaran ah la qaatay Xildhibaanadda Puntland,ayaa ugu hanjabay Xildhibaankii codkiisa siiyay Murashax Cali Xaaji Warsame,inuusan dib dambe Magaaladda Garoowe ugu soo laaban-doonin.

Taageerayaasha Murashax Cali Xaaji ee Muqdisho ku suggan oo Shacabkamedia la soo xiriiray ayaa taariikh madoow(Black-History) ku tilmaamay,dhabar-jabinta C/weli Gaas uu ku samaynayo ina-adeerkiis Cali Xaaji oo ahaa,shaqsigii sababta u ahaa inuu Madaxweyne ka noqdo Dhul-Udug,kadib markii uu wareegii ugu dambeeyay oo Gaas heystay 18-cod uu ugu shuvay codkii uu helay ee 17-ka ahaa.

Hanjabaadda  Gaas uu Xildhibaanadda Puntland u jeediyay ayaa ku soo beegmaya,xili ra*yi aruurin ay samaysay Voa-Somali,ay Shacabka Soomaalidda u codeeyeen inay jeclaan-lahaayeen Madaxweyne in loo doorto Cali Xaaji Warsame.

Waxaa xusid mudan Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho soo gaaray inuu geed-gaaban iyo mid dheerba dhexda u xirtay,inuu ka dhaa-dhiciyo Xildhibaanadda Puntland inay doortaan Murashax Xasan Culusoow,xili la filayay inuu dhex-dhexaad ka noqdo doorashadda berri Muqdisho ka dhacaysa,balse wuxuu si aan gabadho laheyn dagaal-siyaasadeed ugu furay Cali Xaaji,halka uu taageero buuxdo u muujiyay Murashax Xasan Culusoow

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 

Comments

Opinions