Muxuu ka yiri Sheekh Maxamed Idiris qoraalkii Dalalka Carabta ka naxeen ee Khadiija Bin Qinna ka qortay Wasiir Axmed Dirir Xuseen Gurrac:Qalinkii Xikmadda Maanta ee Sh-Media

2017-01-15 22:04:29

Khadiija bin Qinna, weriyaha aljazeera (carabi) wexey is bar bar dhigtay Axmed Xuseen oo Canada qaxooti ku tegey isagoo 16 jir ah maantana wasiirka socdaalka ka noqday, bal is weydiiya bey tiri hadduu dawlad carab ah tegi lahaa.
Waxaan iri: khadiijoy anaaba tegey Yaman anoo 16 jir ah, Sacuudigana 18 jir anigoo ah ayaan tagay,ilaa maanta oo aan lixdan cagacagaynayana dhex joogey, afkii iyo dhaqankii iyo diintiiba ka bartay oo sidooda noqday, 7 caruur ahna iigu dhasheen oo qaarkood 30 dhaafay, sannad walbana waa inaan iqaamadda cusboonaysiiyo, kafiilna raadsho, ciyaalka ku dhashayna wax xuquuq ah ma leh waaba in waddanka laga saaro..
Canada wexey ogaatey iney dadka ka faa'iidaysan karto, carabna in badan xasad iyo xin ayaa meesha dhigay! Adduunyada qof walbaa intuu sababta qaato ayuu helaa gaal iyo muslin, Aakhirana war baa jira

Qalinkii:Sheekh Maxamed Idris+Xikmadda Maanta ee Sh-Media

Comments

Opinions