Koobka Aduunka Oo La Balaarin Doono, Waqtiga Lagu Dhawaaqi Doono Iyo Arimo Xasaasi Oo Laga Soo Bandhigay Shirka Xubnaha FIFA

2017-01-09 11:31:20

Balaarintii ugu weyneyd taariikhda koobka Aduunka ayaa la isku raacay in laga shaqeeyo waxana la dhaqan galin doonaa koobka Aduunka 2026 iyadoo xubnaha xiriirka ay gaareen heshiis afka ah taasoo ah in la kordhiyo wadamada kasoo qeyb galaya koobka sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhaw FIFA.

Waxaa la rajeynayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo maalinimada Talaadada ah taasoo ah maalinta labaad ee Shirka Golaha FIFA, waana maalin kadib xafladda “The Best” oo ku beegan caawa markaas oo Zurich lagu bixin doono abaalmarino sanadeedka hay’addaan.

Koobka Aduunka ee ka dhici doona Qatar wuxuu ahaan doonaa sidii h--e 32-kooxood,, balse tartanka xiga wuxuu noqon doonaa mid ay ka qeyb galaan 48-dal qaabka uu noqon doono ayaana daaha laga qaadi doonaa bilooyin ka hor.

Wariyaha caanka ah ee rer Brazil Jamil Chade kaas oo kasoo duulay São Paulo isla markaana yimid Switzerland si uu kaga qeyb galo shirka golaha ayaa shaaciyay in 80-kulan la qorsheeyay sidoo kalana muddo bil ah uu socon doono tartanka.
KASOO BILOW 13 ILAA 48

Markii ugu horeysay ee tartanka la asteeyo waxey aheyd 1930 markaas oo lagu qabtay Uruguay waxaana ka qeyb galay 13-dal oo qura. balse afar sano kadib tartanka waxaa martigaliyay France waxaana lagu kordhiyay (3) taasoo ka dhigtay 16-dal.

System-ka 16-ka dal wuxuu socday ilaa koobkii Aduunka 1978-dii, balse tartankii lagu qabtay Spain 1982 waxaa laga dhigay 24-dal, inkastoo markii ugu dambeysay oo la balaariyo ay aheyd 1998 markaas oo laga dhigay 32-dal waxaana tartankaas hantay isla France. hadda ayaana la damacsan yahay in markii afaraad la balaariyo.

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions