Haweenay Canadiyaan ah oo Nambar ay ku riyootay ku heshay Malaayiin-Doolar

2017-01-06 09:44:46

Haweeney reer Canada ah ayaa ku guuleysatay bakhti-yaanasiib ama qamaar laga ciyaaro guud ahaan wadankaas, iyadoo heshay adduun gaaraya 5.3 milyan oo dollar.


Olga Beno oo degan Eastern Passage, Nova Scotia, ayaa sheegtay inay ku riyootay nambarada ay ku guulaysatay bishii May 1989, ayna si joogta ah u isticmaaleysay tan iyo markaas.


Olga Beno ayaa toban sano ka hor loo sheegay inay qabto cudurka kansarka waxaana qasab ku noqotay inay iibiso gurigeeda si ay ugu isticmaasho lacagta daawo.


Hadda waxay doonaysaa inay guri cusub ku dhisato lacagteeda" Nambaradayda korka ayaan ka aqaanaa, waxaan nambarada ka arkay telefishinka markii la sheegay, laakiin indhaha si fiican uga jeedi waayay, Marka waan iska iloobay"


Maaliintii ku xigtay, waxay sheegtay iney aqrinaysay wargayska markii ay aragtay nambarkeeda oo guulaystay mar kale "Markii ugu horaysay waxaan is iri ma noqon karto run. Waa qalad uu wargayska sameeyay ayaan is iri. Kadib walaashay ayaan ku iri waxaan u malaynayaa inaan ku guulaystay qamaarkii. (lottery) sidaan malaynaayey ayeyna noqotay”.


Ms Beno ayaa ahayd qofkii labaad ee ku guulaystay 5.3 milyan ciyaartii 28 December 2016. Qofkii labaad ee guulaystay ayaa qamaarka ka iibsaday galbeedka Canada.

Source:Allbanaadir

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions