Muna Daahir Dalmar oo Wasaaradii 3-aad ee Agaasimaha looga dhigay la dagaalantay Wasiirkii iyo Shaqaalahii Wasaaradda(Gabadhan ayaa ka tirsan Ciyaalka Xaafadda Madaxtooyadda Garoowe ee Abwaan C/rashiid Madaxda u yahay:Qalinkii:Shugri Saleebaan Faarax

2017-01-05 08:48:13

Agaasimaha Deegaanka,Duurjoogta iyo Dalxiiska Wasaaradda Deegaanka Muna Daahir Dalmar oo Madaxweynaha Puntland markii hore ka soo bedelay Wasaaradda Haweenka iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo gacan ka hadal ay kula dhaqantay Wasiir Aniisa C/qaadir Muumin  iyo Wasiir Axmed Karaash,ayaa markii 3-aad buuq iyo rabsho ku furtay shaqaalaha Wasaaradda ay ka tirsan oo qaati bilaahi ka taagan hab-dhaqanka Gabadhan ka tirsan Ciyaalka Xaafadda Madaxtooyadda Garoowe.

Sanadkii 2015 bishii May ayaa Ciidan ay hogaaminayso Agaasime Muna Dalmar iyadoo wadata waxa ay weerartay Wasiiradda Haweenka Aniisa,waxaana xiligaas soo fara-galiyay Baarlamaanka Puntland oo xilka ka qaaday,amarna ku siiyay xabsi in la dhigo,laakiin waxaa xilkiisa ku waayay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Saciid Cali Shire.

Bishii June Sanadkii 2015,ayaa wareegto ka soo baxday Madaxtooyadda Garoowe oo gacantiisa uu ku qoray Abwaan C/rashiid oo Ciyaalka Xaafadda Madaxtooyadda ka tirsan,balse uu ku saxiixan yahay M/weynaha Puntland ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Arimaha Gudaha,waxayna candhuuf ku tuftay bishii Agoosto sanadkii 2015,Wasiirkii shaqadda looga waasteeyay ee Axmed Karaash,waxaana arintaas sababtay Karaash inuu si toos ah Madaxtooyadda Garoowe ku wargaliyo inuu xabsi dhigayo Muna,balse dadaal dheer oo Ciyaalka Xaafadda ee Madaxtooyadda Puntland ee Abwaan C/rashiid hogaaminayo,ayaa ku guuleystay inaan xabsi la dhigin,waxayna bilo ka dib Wasaaradda Deegaanka,Duurjoogta iyo Dalxiiska uga waasteeyeen inay Agaasime ka noqoto,iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay madaxa isla galeen shaqaalaha Wasaaradda iyo Wasiir Dr Cali C/laahi Warsame oo qaati ka taagan Gabadhan 3-da Wasaaradood Agaasimaha ka noqotay ee ka awoodda badan Wasiir kasta oo Agaasime looga dhigo.

Arinta Agaasme Muna ayaa hadda loo gudbiyay Baarlamaanka Puntland,balse waxa ay u badan-tahay,maadaama ay isku haleyneyso Abwaan C/rashiid iyo Ciyaalka Xaafadda ee Madaxtooyadda Garoowe,inay u badan-tahay,Wasaarad 4-aad in loo bedelo.

Mar aan isku dayay Muna oo Boosaaso ku sugan anigana aan Garoowe ka wacay inaan wax ka weydiino sababta ay markasta ugu awood sheegato,Wasaaradii loo soo bedelaba,ayaa noogu jawaabtay(Waxaan ka tirsanahay Ciyaalka Xaafadda ee Madaxtooyadda Garoowe,Sir-Qarsoon ayaan ka hayaa Madaxweynaha Puntland,hadii Agaasime wax ka yar uu i siiyana,waan fadeexaynayaa,taasoo aan u fasiranay,inay afka qalaad waxa lagu yiraahdo(Black-Mailing)ay ka heyso Madaxweynaha Xukuumadda Xaflad-Joog.

Qalinkii:Shugri Saleebaan Faarax-Garoowe:Puntland

Shacabkamedia-Garoowe:Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 

 

 

Comments

Opinions