R/wasaare Arne Solberg oo amaan kala dul dhacdey Caaisha Cali Axmed

2017-01-03 17:42:04




Reysulwasaaraha dalkan Norway Arne Solbeg, ayaa qudbadeedii sanadlaha ahayd ku xustay, amaan balaarana ugu jeedisay Aisha Ali Ahmed oo ah haweenay soomaali ah, taas oo busska gaadiidka dad- waynaha ku dhex wado magaalada Oslo. Isla markaana ah hooyo heysato sadex caruur ah.
Aisha ayaa sanadkii hore ee 2016, bishii oktober aad  looga hadal hayay dhamaan warbaahinta wadanka oo dhan, kadib markii ay bixisay waraysiyo ay kaga waramayso xaaladeeda shaqo iyo dhibaatooyinka ay kala kulanto bulshada dhexdeeda.
Waxeyna sheegtay in dadka soomaaliyeed qaarkood ay kula kulanto dhaleeceyn iyo cay, marka ay arkaan iyada oo xiran surwaalka shaqada, dhanka kalena ay dhaleeceyn kala kulanto norwiijiga, marka ay arkaan iyada oo xiran xijaabka, gadiidka dad waynahana wado. Laakiin dhaleeceymahaas Aisha kama aysan horistaagin iney sii wadato shaqadeeda darawalnimo ee busska.
Arne Solberg ayaa khudbadeeda sanadlaha ku xustay, amaana u jeedisay Aisha, waxaana hadaladeeda kamid ahaa
«Hadii aad nasiib u hesho inaad soo raacdo bass ay wado Aisha, Waxaan idinka rajaynayaa in qof walba uu tusi doono dhoola cadayn diiran Aisha».
Raisal wasaare Arne Solberg ayaa Aisha ku soo dartay liiska dadka sanadkii hore ee 2016 horumarka wayn sameeyay, wax cusubna ku soo kordhiyay bulshada dhexdeeda

Source:Norsomnews

Kilde:Dagbladet.no

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions