Xidigga Meeraha (Venus)ee Somalida u taqaan(Waxaro-Xir)oo ku beegmi-doono Qoraxda:Qalinkii:Kororso Aqoontaadda

2017-01-03 17:29:29

Xidigga loo yaqaan Venus ee ay Soomaalidu u taqaan Waxara-xirka ayaa la xaqiijiyey in uu maanta oo Talaado ah iyo beri oo Arbaco ah uu ku soo beegmayo Cadceeda iyadoo si toos ah looga arki karo meelo badan oo ka mid ah caalamka, iyadoo Talaadada laga arki doono Western Hemisphere halka Arbacadana laga arki doono Eastern Hemisphere.

Tani waxay noqonaysaa ayay leeyihiin culimada ku xeesha dheer cilmiga xidigiska mid aan soo laaban doonin mudo 105 sano ah oo ka dhigan in sanadku marka uu noqdo 2117 sidaasi isagu soo beegmi doonaan socodka xidiga Venus Qoraxda.

Muuqaalka meeraha ama xidiga Venus uu ku soo beegmayo qoraxda waxaa si weyn looga dareemi doonaa maalinta Arbacada ah wadamada dhaca Galbeedka Pacific-ga, bariga Asia Bariga Australia isagoo socon mudo 7 saac.

Laakiin digniinta ay bixiyeen culimada caafimaadka indhaha ayaa ah in aanay habooneyn in dadku si toos ah uga eegaan qoraxda iyagoo raadinaya sida uu meeraha Venus ugu soo aadayo, taasi oo waxyeelo dhanka caafimaadka u keenaysa indhaha qofka bini’aadamka ah, waxaana taasi ay la mid tahay xiliyada qorax moodaabka, laakiin hadii qofku adeegsado indho gashi (ookiyaale) iyo waxyaabaha kale ee loogu tala galay in lagu eego qoraxda markaasi waa u suurgatal in uu arko isku beegmida qoraxda iyo xidiga Venus.

Hay’adda cilmiga hawada ee Mareykanka laga leeyahay ee lagu magacaabo NASA oo arintan bogeeda Internet-ka kaga faalootey waxay sheegtey in sidoo kale mudo 6 saac iyo afartan daqiiqo ah si waadix ah loo arki doono dhacdadan gudaha wadanka Mareykanka, inkastoo ay taasi ku xiran tahay sida cadceedu uga soo dhex bixi karto daruuraha, iyadoo taasi ku xiran tahay jawiga gobolada dalkaasi.

Sidoo kale bariga Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, Galbeedka & Waqooyiga Aasiya iyo waliba badi wadamada Yurub ayaa laga arki doonaa isku soo beegmida qoraxda iyo meeraha Venus.

Markii ugu dambeysay ee sidan oo kale ay isagu soo beegmeen meeraha Venus & qoraxdu waxay aheyd bishii June sanakdii 2004-tii.

Waa maxay Venus ?


Meerahan oo qoraxda kaga wareega majiiraha u dhexeeya Mercury iyo dhulkeena, baaxad ahaana dhulkeena la’eg waxay Somaalidu u taqaan magacyo kala duwan sida Waxara xir gobolada dalka qaar waxaa magacaasi looga yaqaan maqalo xidh-xidh, Shuhuura, sidoo kale waxaa inta badan gobolada wadanka looga yaqaan xidigta waaberi.

Meeraha Venus waxaa hubanti ah in uu ishiisa qabtey qof kasta oo ka mid ah bini’aadamka dunida ku nool ee muuqaalka araga u wanaagsan yahay.

Venus waxaa lagu tiriyaa dhulka ugu dhaw ee dariska la ah aduunka, waxaa ku gadaaman Daruuro naqaska loo yaqaan (Carbondioxide), daruuraha culus ee Venus ku gadaaman waxaa lagu qiyaasay inay qarra le’egyihiin inta u dhexaysa 48 ilaa 70 km,daruurahaas oo intooda badan xambaarsan ama kaba samaysan Acid kuwaasoo sida roobka u hoora balse aan gaadhin hadana bogcad-dhuleedka Venus.

Meerahan wuxuu qoraxada kaga wareega majiiraha u dhexeeya Mercury iyo dhulkeena,baaxad ahaana dhulkeena le’eg, Inta badan marka qoraxdu dhacdo ayaa meeraha si weyn isagoo u iftiimaya oo dhalaal weyn laga arkaa dhanka Galbeed isagoo mudo yar ka dibna ka daba dhaca qoraxda, waxaana uu ka mid yahay mucjisooyinka Rabbi.

Venus waa duni ay kugadaamantahay Carbondioxide heerkulka bogcadiisuna aanay hoos uga dhicin 500 oo degree centigrade Athmosfeerkiisa 96% waa carbondioxide 3.5% waa nitrogen 0.135% waa uumibax biyood waxaa intaa soo raaca Schwefeldioxid iyo naqasyo kale, Venus waxa kajira cadaadis dhan 92 bar taasi oo u dhiganta cadaadiska lala kulmo hadii 900 oo mitir biyo hoos loo quuso,majiro wax faraqa oo u dhexeeya habeenka iyo maalinta venus sidoo kale badhaalaha venus iyo labadiisa ciriftoona faraqa u dhexeeyaa masameeyo wax micno ah oo weyn.

Roobkaa sumaysani kahor inta aanu gaadhin dhulkaba wuxuu markiiba isu bedelaa uumi mar labaad kor usoo kaca sababta keenaysaana ay tahay heerkulka sare ee bogcad-dhuleedka Venus oo gaadha 500 oo degree.

Source:SBC

Comments

Opinions