Meydad hor leh oo laga soo saaray burburka guryo ku dumay Qaraxyadii shalay Garoonka Muqdisho lagu weeraray

2017-01-03 16:55:49

Meydadka labo ruux oo rayid  ah ayaa maanta laga helay burburka guri ku dumay qaraxii ka dhacay shalay meel ku dhow xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Labadan ruux ayaa laga soo bixiyay guri ku yiil ka soo horjeedka hotel Peace ee magaalada Muqdisho oo ku dumay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Meydadkan oo lagu sheegay inay ahaayeen qof dumar ah iyo qof lab ah hase yeeshee lama oga in ay ku hoos jiraan burburka gurigaas meydad kale.

Waxaa jira weli cabsi laga qabo  in qaraxyada ka dhacay shalay magaalada Muqdisho in ay weli ku hoos jiraan meydad guryihii ku soo dumay, iyadoo qaraxa lagu tilmaamay inuu ahaa mid kamid ah qaraxyadii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dalka Soomaaliya ayaan laga helin qalabka sida gaarka ah loogu soo saaro dadka ay ku soo dumeen dhismooyinka hase ahaatee qaraxii shalay ayaa burbur xoog leh uu ka dhashay,

Qaraxyadii shalay ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan Irida laga galo Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ayaa waxaa ku dhintay ciidan iyo dad shacab ah,waxaana jirtay dad kale oo horay meydadkooda looga soo saaray guryo ku dumay.

Source:Jowhar

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions