Taliyaha Ciidamada Militariga Uganda General Katumba oo Muqdisho yimid

2017-01-03 10:34:30

Taliyaha Ciidamada Militariga dalka Uganda General Katumba Wamala ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku yimid magaalada Musqdisho ee caasumada Soomaaliya.


General Katumba Wamala ayaa xarunta Amisom ee Xalane kulamo kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Amisom iyo Saraakiisha Ciidanka Uganda ka joogga Soomaaliya.


Taliyaha ayaa dhinacyadan kala hadlay in la dardar-geliyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Somaliya, si ay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ugala wareegan nabadgelyada dalka.


General Katumba Wamala ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dowladda Uganda  dooneyso in la xoojiyo tayada Ciidamada ammaanka iyo dib u dhis in loo sameeyo Ciidanka Militariga Soomaaliya.


Booqasha Taliyaha Ciidamada Militariga dalka Uganda  ayaa ku soo aadaysa iyadoo weeraro qaraxyo ah ay ka dhaceen meel u dhow xarunta AMISOM ee Xalane.

Source:P/Post

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions