Daawo:Booliiska Turkiga oo soo bandhigay Muuqaalka Nin u dhashay Kyrgistan iyo Dalalka ay ka soo jeedaan Dadkii uu Baar lagu caweeyo Istanbul ku laayay

2017-01-03 09:40:59

Booliska dalka Turkiga ayaa howlgalo ay sameeyeen  ku soo xiray 12 qof oo ay ku jiraan Xaaskiisa iyo Caruurtii Nin ka mid ah Argagaxisadda Daacish(ISIL)oo Dalka Kyrgysntan ka soo jeeda iyadoo weli uu socdo ugaarsiga ninkii qaaday weerarkii Istanbul ee 39-ka qof ay ku dhinteen, Iyadoona Ururka Daacish ay sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Numan Kurtulmus wuxuu sheegay in maamulka ay heleen faraha iyo akhbaarta aasaasiga ah ee ku saabsan ninkaasi, wuxuuna wacad ku maray inay si degdeg ah kusoo qaban doonaan.

Qiyaastii illaa 600 oo qof ayaa ku sugnaa kalaabka lagu caweeyo ee Reina markii ninkan uu weeraraayay Axadii,waxaana la


Mr Kurtulmus wuxuu weriyayaasha u sheegay: “Xogta ku saabsan ninkan iyo muuqaalkiisa ayaan helnay”,  Tallaabada xigta waxay tahay, inaan sida ugu dhaqsaha badan ku aqoonsano. Waxaan fileynaa inaan helno asiga iyo xiriirkiisa iyo shaqsiyaadka taageerada ku siiyay gudaha kalaabka iyo dibaddaba,” ayuu yiri.

Dadkii Goobta lagu dilay ayaa waxay kasoo Kale Jeedaan  Turki: 11 ,  Sucuudiga: 7 ,  Ciraaq: 3 ,  Lubnaan: 3, Sidoo kale  Urdun, Hindiya, Maroko Ayaa min laba muwaadin ayaa uga dhimatay,     Jarmalka, Suuriya, Israa’iil, Faransiiska, Tunisiya, Belgium, Kuwayt, Canada, Ruushka ayaa  Min hal muwaadin ayaa looga dilay.

Daawo:Booliiska Turkiga oo soo bandhigay Muuqaalka Nin u dhashay Kyrgistan iyo Dalalka ay ka soo jeedaan Dadkii uu Baar lagu caweeyo Istanbul ku laayay:

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions