Haweeney boorso ku tahriibineyso nin 22 sano jir ah oo la qabtay

2017-01-03 09:20:56




Booliska magaalo xeebeedka Ceuta ee dalka Spain, ayaa 30-kii bishii aan soo dhaafneye ee Desember qabtay haweeney boorso ku wada nin 22 sano jir ah oo ay rabtey iney soo galiso xuduudka Spain.
Booliska ayaa sheegay iney istaajiyeen haweeneydan oo ay arkeen iney aheyd mid wel-welsan, waxeyna ka codsadeen iney furto boorso weyn oo ay waday. Waxaana halkaas loogu tagay 22-jirkan kasoo jeed galbeedka Afrika.

Magaalada Ceuta ayaa kutaalo cirifka wadanka Morooko, waxaana maamulkeedu uu hoostagaa dalka Spain. Waxeyna marin u tahay kumanaan qoxooti afrikaan ah oo sanad walba isku daya iney qaab sharci daro ah kusoo galaan xuduudka wadankaas Spain. Ceuta waxaa gabi ahaanteedba ku wareegsan dhulka ay ka taliso dowlada Morooko.(Xigasho: Wikipedia, Ceuta)

Isniintii hore ayey aheyd markii 1100 qof oo qoxooti ah, ay soo jiireen darbi silig ka sameysan oo ku wareegsan magaaladaas, waxaana halkaas uu dhaawac kasoo gaarey boqolaal magangalyo doon ah iyo 55 boolis ah oo isugu jiro Marookaan iyo Spanish.

Source:Norsomnews

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions