Dagaalkii Dudun iyo Xaran ka dhacay oo Puntland iyo Deegaanka Soomaalidda ee DDSI ay ka heshiiyeen(Dagaalkan ayaa lagu tuhmayaa inuu Muqdisho ka hurinayo M/weynaha Xukuumadda Xaflad-Joog oo markan Mashruuc ku qaatay Reer Ciideed inuu colaad galiyo.

2016-12-31 09:28:00

Maamulka Puntland iyo Dadka Deegaanka Galxamur ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal maalmo ka hor deegaanada  Dudun iyo Xanan ku dhex maray ciidamo Puntland ka tirsan  iyo  kuwa ciidamada Liyuu boolis ee Deegaanka Soomaalidda Itoobiya ee DDSI.


Dagaalkan ayaa la tuhunsabn-yahay inuu Muqdisho ka hagayay M/weynaha Xukuumadda Xaflad-Joog oo markan kunturaad ku soo qaato inuu fidno iyo colaad dhex-dhigo Puntland iyo Soomaalidda Deegaanka Itoobiya ee DDSI

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xasan Abgaaloow oo fidnaddan loo xilsaaray,ayaa Calan ka taagay meel u dhaw Degmadda Galxamur oo ka tirsan Gobolka Doollo ee Soomaalidda Itoobiya,waxaana colaadan laga hagayay Hoteel Muqdisho ku yaalay uuna hagayay M/weynaha Xukuumadda Xaflad-Joog C/weli Gaas ayaa salfatay nolosha 4-Ruux.
Dagaaladaasi ayaa ka dhacay deegaanada Dudun iyo Xaran oo ka tirsan Degmadda Galxamur ee Gobolka Doollo waxaana ay u dhaxeeyeen ciidamada Puntland iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida ee Liyuu boolis.

Waa ayaan-darro shaqsi ku fashilmay Mashruuca colaadda ee Gaalkacyo inuu xal u helo,inuu hadana Mashruuc kale Muqdisho Xerta Damjadiid iyo Ex Madaxweyne Xasan uga soo qaatay inuu colaad iyo fidno ka dhex abuuro Reer Ciideed iyo Soomaalidda itoobiya.

Calanka daandaansiga ee Puntland ee laga taagayo Deegaanka Galxamur,maxaa looga taagi-waayay Wadadii Xaafadda Garsoor iyo Maxjarkii Naaxinta Xoolaha ee la joojiyay si loogu raali-galiyo Maamulka Gobolka iyo Barka ka kooban ee GalMudug ee Xuduudiisa laga dhigay Degmadda Buurtinle ee Gobolka-Nugaal,mise colaad in la galiyo Reer Ciideed ayaa Mashruuc markan laga dhiganayaa,waxaana la gudboon Reer Ciideed Wiilka-Dhuusamareeb inay Jambalkiisa Dhiiga leh ee Muqdisho laga soo abaabulayo inay ka digtoonadaan.

Xaalada deegaanada dagaaladda ka dhaceen ayaa hadda deggan,waxaana la isku afgartay in laga wada shaqeeyo sidii markale dagaalo Hoteel Xamar ku yaal laga hagayo uusan uga dhicin Deegaanadda Dudun iyo Xanan.

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions