Digniin ku wajahan Shacabka Dhul-Udug:Warshad lacagta samaysa oo Gaas iyo Seedigiis Maxamed Saciid Ciise ka furteen Madaxtooyadda Boosaaso iyo sicir barar laga dareemayo guud ahaan Goboladda Puntland

2016-12-30 09:00:33

Sicir bararkii ugu xumaa ee taariikhda Puntland soo mara 18-sanno kadib,ayaa laga dareemayaa suuqyadda,iyadoo Balaayiiin Shilin Soomaali ah oo baakadaysan la soo galiyay Suuqyadda Sarifka lacagaha qalaadc ee Deegaamadda Dhul-Udug.

Waxaa kor u kac ku yimid sarifka lacaga qalaad ee guud-ahaan  Deegaanada Puntland,waxaana 100-kii Doolar oo awal lagu sarifan-jiray 2-Malyan iyo 400-Kun Shilin Soomaali ah,uu hadda gaaray 2-Malyan iyo 800-Kun,iyadoo Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya uu 100-Doolarkii ka yahay 2-Malyan iyo 400-Kun halka Puntland lacagahan Faalsadda ay sababeen Doolarka uu sii caga-cageeyo 2-Malyan iyo 800-Kun,waxaana dhici-karta sanadka cusub ee 2017 inuu gaaro 100-kii 3-Malyan Shilin(3000-000)

Kor u kaca sarifka lacagta qalaad ayaa imaanaysa xilli ay guud ahaan dalka ka jiraan abaaro lixaad leh oo sababay inaan dad badani aysan iibsan karin waxay wax ku cunaan iyo waxay ku maareyn lahaayeen noloshoodda.

Lacagahan Baakadaysan ee Madaxtooyadda Boosaaso lagu sameeyo ayaa gaaray heer guryo uu iska leeyahay Duqa Degmadda Qardho Maxamed Saciid Ciise in laga dhigo Bakhaaro lacagahan faalsadda lagu kaydiyo,waxaana la saaraa Gawaari Candho-meedle ah oo geeya lacagahan Magaalooyinka Garoowe,Gaalkacyo,Qardho,Buurtinle,iyadoo xitaa loo daabulo Degmadda Cadaado ee Xarunta Maamulka GalMudug.

Shacabka Puntland oo  dhaqaalo xumo ku noolaa mudadii 3-sanno sanno ee xilka uu hayey Madaxweynaha Puntland ayaa lacagahan faalsaddaa uu sameystay waxay uga sii dari-doontaa nolosha ciriiriga ah ee ay ku nool yihiin Dadweynaha dhibanayaasha ah ee Dhul Udug kuu dhaqan.

Hadii aan laga hortagin Lacagahan Faalsadda ah ee Gaas iyo Seedigiis Maxamed Saciid Ciise ku sameysanayaan Warshad Madaxtooyadda Boosaaso ku taal,waxaa arintan ay u horseedi-doontaa Shacabka Puntland dhaqaalo-xumo iyo sicir barar ay ka sheekeeyeen Sanooyinka soo socda hadii aan hadda la isku xil-*qaamin in laga horyimaado lacagahan Faalsadda ah.

Nasiib-daradda ku dhacday 3-dii sanno ee ugu dambaysay ayaa noqotay inuu Madaxweyne ka noqday shaqsi Diintiisa lacag tahay oo meel xun lacag ka raadinaya,isagoo aan haba yaraatee aan kala jecleyn,sicir bararka ay keeneen lacagahan Faalsadda ah ee Madaxtooyadda Boosaasio lagu sameeeyo,iyadoo Baakadaysan lagu qeyb-saddo laguna keydiyo xaafad uu Boosaaso ka degan-yahay seedigiis Maxamed Saciid Ciise.

Waxaa xusid mudan lacagaha Doolarka ee lagu bedesho Lacagahan Faalsadda ee Gaas iyo Seedigiis oo mar ahaan jiray Duqa Degmada Qardho Maxamed Saciid Ciise,inay u soo xawishaan Magaalooyinka Nairobi iyo Newyork,waxaana hadii aan laga hortagin lacagahan Faalsadda ay sababi doonaan in suuqyadda Puntland uu ku yaraaddo Doolarka.

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions