Japan oo raaligelin ka bixiyay dilkii Pearl Harbor ee ay ku laayeen 2400-Askar Mareykan ah

2016-12-29 07:35:02




Ra'iisul wasaaraha Dalka Japan Abe ayaa 75-anno kadib noqday mas*uulkii ugu horeeyay ee Japan ka socday ee booqasho ku taga saldhiga ciidammadda badda ee Pearl Harbor ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka jeediyay "tacsi laabta ka soo go'day" oo ku aadan Askartii Maraykanka ahaa ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii uu Japan qaaday 75 sano ka hor.



Rai'iisul wasaare Abe waxaa ku weheliyay booqashadaas madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama taas oo ka dhigan in markii u horaysay ay booqdaan labada masuul ee dalalkaas,waxaana uu ka aqbalay raali-galinta iyo Tacsidda laabta ka soo go*day.

Japan ayaa waxyeelo baaxad wayn gaarsiisay saldhigaas isaga oo dilay in kabadan 2,400 Askar Maraykan ah,

.
Ra'iisul wasaraaha Japan ayaa Maraykanka ku ammaanay dadaalka uu galiyay sidii uu u hagaajin lahaa calaaqaadka uu Japan la leeyahay ka dib dagaalkii ay labada dal galeen oo dhamaaday waxyar uun ka dib markii uu Maraykanku ku riday Japan qunbuladdo nukliyeer ah magaalooyinka Nagasaka iyo Heroshima  sanadkii 1945-tii,taasoo ku qasabtay Japan inuu is dhiibo.

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions