Nabadoon Muqdisho lagu dilay kadib markii uu ka qeyb-qaatay doorashadii Cadaado ka dhacday

2016-12-29 07:18:26

Kooxo hubeysan ayaa degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen nabadoon ka tirsanaa dadka degaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in marxuum nabadoon Axmed Dhoore la toogtay waxyar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaadii cishaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nabadoonku uu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay doorashooyinkii ka dhacay degmada Cadaado.

Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta sida caadada ahna wax yar ka dib waxaa halkaas gaaray ciidamada amaanka dowlada oo baaritaano sameynayey.

Dilalka noocan ah ee loo geysto odayaasha dhaqanka ayaan ku cusbeyn magaalada Muqdisho, horey ayaana odayaal badan sidan oo kale loogu qaarajiyey

Xigasho:Allbanaadir

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions