Raxma Haaruun oo 19-sanno Baaldi Caag ah ku dhex nooleyd oo Geeriyootay

2016-12-28 10:48:45

Gabar 19 jir ahayd Raxma Haaruun ayaa ku geeriyootay dalka Nigeria iyadoo inteeda badan nolosheeda gabadhan lagu qaadi jirey baaldi caag ah.

Raxma ayaa dunida caan ka noqotay kadib markii la baahiyay sawirro uu wiil walaalkeed ah ku sidey baaldiga caaga ah magaalada Kanu ee dalka Nigeria.

Gabadhan ayaa markii ay jirtey lix bilood waxaa ku dhacay xanuun sababay in ay istaagaan koriinshaha gacmaheeda iyo lugaheeda, hase yeeshee waxaa si caadi ah u koray madaxeeda.

Haaruun Maxamed oo ah Raxma aabaheed ayaa sheegay in xanuunkeeda awgii uu u iibiyay beer uu lahaa iyo hanti kale balse aysan hantidaa u goynin lacag uu dhakhtar taqasus ah uu ugu tago.

“Ma qiyaasi karo lacagta aan ku bixiyay gabadhayda sidii ay daawo u heli lahayd balse dhakhaatiir ayaa markii aan tusay waxa ay igu dhaheen gabadhan waxaa maray jinni.”ayuu yir iHaaruun Maxamed oo ka hadlayay dadaalkii uu u galay sidii uu gabadhiisa ugu heli lahaa daawo.

Raxma ayaa la sheegay inay jecleyd maruun inay noqoto qof ganacsade ah oo iibisa alaabta quutul daruuriga ah ee tuuladeeda laga isticmaalo

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions