Qalabkii Amiir Suldaan Bin Naasir ugu deeqay Garacad oo Hobyo loo wareejiyay(Gaas iyo Guuleed oo heshiis qarsoon ku gaaray Magaaladda Muqdisho oo maalintii 25-aad uu ku sugan-yahay M/weynaha Wareega ee Puntland

2016-12-27 09:45:28

Qalab lagu qiyaasay 2-Malyan oo Doolar oo Amiir Suldaan Bin Naasir Bin Cabdi-Casiis Aala-Sacuud ugu deeqay Puntland inay Deked macmal ka dhisato Degmadda Garacad ayaa loo wareejiyay Xeebta Hobyo.

Madaxweynayaasha GalMudug iyo Puntland oo maalmahan shirar uga socday Xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho,ayaa si hoose ugu heshiiyay dhaqaalaha ka soo baxa Dekedda macmalka ah ee Hobyo laga hirgeliyay inay wada qeyb-sadaan.

Caalamka kama dhicin Madaxweyne hantidii shacabikiisii loogu deeqay is-dabamarin iyo khiyaano ku samaynaya,waxaana Dekedda macmalka ah ee Hobyo ay ka wada furteen Guuleed iyo Gaas la filayaa inay yareeyaan canshuurta,si Ganacsatadda Puntland iyo GalMudug ay xoolahooda yo hantidooda u wareejiyaan Dekedda macmalka ah ee Hobyo laga furay,lagana maarmo Dekedda Boosaaso.

Waxaa xusid mudan Madaxweynaha Puntland inuu la heyste u yahay Xerta Damjadiid,maadaama lagu sameeyay,afka qalaad waxaa lagu yiraahdo(Black-Mailing).

Qaar ka mid ah Ciyaalka Xaafadda ee Madaxtooyadda Puntland gacanta ku haya  oo naga codsaday magacyadooda inaan la kashifin ayaa Tooshka Wareega ugu sir-waramay,inuu la heyste yahay C/weli Cali Gaas(Black-Mailing)lagana hayo xog-qarsoon,qasabna looga dhigay,inuu waxkasta ogolaado,iyadoo loogu hanjabay in la ceebeynayo,hadii uu ka horyimaado danta Xerta Damjadiid oo 25-berri hadda ku soo xiratay qol ku yaal Villa Soomaaliya.

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 

Comments

Opinions