Dhagayso:Puntland oo GalMudug ka codsatay cuna-qabateynta ay ku soo rogtay inay ka qaado iyo dagaal 2-da dhinac ku dhex-maray Gaalkacyo oo 3-Qof ay ku geeriyootay:Qalinkii:Horuramarkii Gaas iyo Xukuumadiisa Xaflad-joog laga dhaxlay

2016-12-24 10:06:48

Kadib markii dhamaan aagagii Ciidamada Puntland ay ka soo saartay ay dib ula wareegeen kuwa GalMudug,ayaa dhamaan Gawaaridii ka imaan-jirtay Koonfurta Soomaaliya waxaa loo diiday inay gudaha u galaan Magaaladda Gaalkacyo,iyadoo cuna-qabateyn la saaray Maamulka jilicsan ee Xukuumadda Xaflad-Joog oo Mashruuc ka dhigtay dhiiga Shacabka Mudug.

Haweenka Puntland ee ka ganacsadda Khudaarta ayaa lagu qasbay gawaaridda u raran in lagu baaro Xaafadda Baraxleey,iyadoo dhawr haween jeego-dharbaax lagala soo daalay,xili ay isku dayeen gawaaridda u raran inay ka codsadaan Maamulka GalMudug ee Xaafadda Baraxleey inay u soo daayaan,waxaana loogu hanjabay in dhac iyo kufsi la isugu darayo,hadii aysan bixin canshuur baad ah oo la dul-dhigay gawaaridda khudaarta u sidda ee laga xayiray gudaha Gaalkacyo inay u soo gudbaan.

Wasiirka Duur-Joogta iyo Xoolaha ee Xukuumada-Xaflad-Joog Cali C/laahi Warsame ayaa ka codsaday Maamulka GalMudug inay cuna-qabteeynta ka qaadaan Puntland,jidka ay xirteena ay dib u furaan,iyadoo jidkan iyo kantaroolkan ay markii hore ay maamuli jireen Puntland,balse uu Madaxweyne C/weli Gaas amar ku bixiyay jidkan iyo kantaroolkan in lagu wareejiyo maamulka Cadaado,waxaana loogu abaal-guday,dhamaan gawaaridii ka imaan-jirtay Koonfurta Soomaaliya in loo diido inay u soo gudbaan dhanka Puntland.

Bahdilaadda Puntland ka taagan,ayaa ka mid ah is-bedelkii uu ku faanay Wiilka Dhuusamareeb(C/weli Gaas) inuu ku soo kordhin-doono deegaanadda Dhul-Udug,isagoo hadda isbedelkii ugu weynaa Muqdisho ka bilaabay,kadib markii uu Madaxweyne ku-xigeenkiisii iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda uu ku caadiyay inay hoos-tagaan Maamulka Somaliland iyo R/wasaare ku-xigeen Cumar Carte.

Riix:oo Dhagayso:Puntland oo GalMudug ka codsatay cuna-cubateynta ay ku soo rogtay inay ka qaado iyo dagaal 2-da dhinac ku dhex-maray Gaalkacyo oo 3-Qof ay ku geeriyootay

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions