Daawo:Mahad Abiib: Way kasoo jawaabeen codsigii aan u dirnay Xisbiyada Ap, SV iyo Sp

2016-12-22 16:08:45

Eng. Mahad Abiib oo katirsan ururka annenransgborgere(Second-class citizen), ayaa sheegay in soo jeedinta ay sadexda xisbi soo jeediyeen qorshaha in maxkamad ay gaarto go´aanka kama danbeysta ah ee kala noqoshada sharciga dhalashada, uu yahay mid ka dhashay shirarkii ay la galeen xubnaha baarlamaanka sadexdaas xisbi.

Mahad oo gacanta ku wato qoraalo muujinayo wadahadalo mudo socday oo dhexmaray qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee xisbiyadaas iyo ururkooda, ayaa sheegay in sadexda xisbi ee go´aanka isku raacey ay yihiin kuwii ay la shireen dhowrkii bilood ee ugu danbeyay, ayna u gudbiyeen cabashadooda ku aadan arintaas.


Xubno katirsan ururka annenrangsborgere ayaa bilihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka ee sadexdaas xisbi. Bilowgii bishii August waxey la kulmeen xildhibaanada xisbiga SV ugu jiro baarlamaanka Norway, oo uu kamid yahay Heikki Holmås. 4-tii bishii September ayay sidoo kale kulan la qaateen labo xildhibaan oo katirsan xildhibaanada baarlamaanka ee xisbiga Ap. Halka bilowga bishii Octoberna ay shir la qaateen xildhibaanada xisbiga Sp.

Sadexdaas xisbi oo ah kuwa hada isku raacay go´aanka soo jeedinta in wax laga badalo qaabka ay UDI-du go´aanka ugu gaarto sharci kala noqoshada dadka heysto dhalashada wadanka. Wuxuuna sheegay in go´aanka ay xisbiyadu gaareen, iyaga si gaar ah loogu soo direy isbuuc kahor, inta aysan warbaahintu ka warhelin maalintii shaley ahayd.

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid dadkii sharciyada horey loogala noqday ay hada heleen balan maxkamadeed, taas oo mar kale dib u fiirin doonto go´aanka laga gaaray.

Daawo:Mahad Abiib: Way kasoo jawaabeen codsigii aan u dirnay Xisbiyada Ap, SV iyo Sp :

Shacabkamedia-Jinja-Ugandha

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions