3-da Mas*uul ee Puntland ugu sareysa oo 2-Usbuuc Muqdisho ku sugan ayaa ku faanay inay guul u soo hoyeen Shacabka Dhul-Udug,kadib markii ay kunturaad ku soo qaateen Haweenka Soomaalidda inay Cawradooda ku soo bandhigaan Koob Garoowe loogu qabanayo

2016-12-22 07:53:10

3-da Mas*uul ee Puntland ugu saraysa oo 2-Usbuuc Muqdisho iska fadhiya,ayaa ku faanay inay guul u soo hoyeen,Shacabka Puntland,kadib markii ay kunturaad ku soo qaateen Haweenka Soomaalidda Cawradooda inay soo bandhigaan,Kubad koleyna ku cayaaraan tartan loogu qabanayo Garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe.

Waxaana qarashka ku baxaya Cayaarahan bixinaya Hey*adda Cayaaraha Aduunka ee FIFA,iyadoo guushan ay ka mid ahaan doonto,waxqabadka lagu xasuusan-doono Xukuumadda Xaflad-Joog oo markan cawradda Haweenka Soomaalidda iyo Jirkoodda inay qaawiyaan dhaqaalo ka raadinaya.

Waa arin fajaciso iyo amakaag ah,3-dii Mas*uul ee Maamulka Garoowe ugu saraysay(M/weynaha Puntland Gaas,M/weyne ku-xigeenka Cameey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Axmed Xaashi) oo 2-Todobaad Xamar ku baashaalaya,inay Shacabkii ay metelayaan ay ku maaweeliyaan,inay guullo ka keeneen safarkoodda 2-da Usbuuc ee Muqdisho ay ku joogaan oo la filayo inay muddo Bil ah kusii  sugnaadaan Xamar,ilaa xal laga gaaro qaabka ugu haboon ee dib loogu dooran-doono Ex Madaxweyne Xasan.

Galabta ayaa la saadaalinayaa in xariga laga jaro Cayaarahan Haweenka Maamul Goboleedyadda ay isugu imaanayaan Magaaladda Garoowe,waxayna cayaarahan haweenka loo qabanayo,ay ka mid tahay is-bedel-doonkii iyo horumarkii Xukuumadda Xaflad-Joog ay ku soo kortdhiyeen Puntland.

Culimadda Soomaalidda ayaa la filayaa inay ka caroodaan,Haweenka Soomaalidda ee kunturaadda ku soo qaateen 3-da Mas*uul ee Puntland ugu saraysa inay Cayaaro Kubadda Koleyga ugu qabtaan Garoowe,waxaana laga yaabaa inay ku sheegaan cayaarahan Fisqi iyo Fasahaad,maadaama 3-da Mas*uul ee Puntland ugu sarayso ay Muqdisho ku soo qaateen kunturaad Haweenka Soomaalidda inay cawradooda ku soo bandhigaan Garoonka Mire-Awaare ee Garoowe,waxaana dhici karta falkan foosha xun ee 3-dan Mas*uul  ay ku kaceen inay ka careysiin-doono Shacabka Puntland iyo Culimadda,qaasatan kuwa caasimadda Garoowe,iyadoo guushii siyaasadeed ee loo hanweynaa madaxda Dhul-udug ee Xamar usbuucyadda iska fadhiya,ay sheekadooda ku soo aruurtay inay cawradda Haweenka ku soo bandhigaan Magaaladda Garoowe,halkii ay aheyd inay meel ku sheegaan 3-dii Xildhibaan ee Muqdisho laga dhacay Puntland

Hadaba waxaan ugu baaqaynaa Culimadda Garoowe ku sugan,iyo guud ahaan Goboladda Puntland inay ka dhii-dhiyaan arintan ay ku kaceen 3-dii mas*uul ee Dhul-Udug ugu saraysa oo kunturaad ku soo qaatay Haweenka Soomaalidda inay cawradooda iyo jirkoodda Graoonka Mire Awaare ee Graoowe ku soo bandhigaan,waa inaad Masaajidyadda Maykarafoono ku rakibtaan,Shacabkana ugu qaabdaan inay ka horyimaadaan,falkan foosha xun ee Madaxweynaha Puntland Gaas,Madaxweyne ku-xigeenka Cameey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Axmed Xaashi oo Muqdisho lagu soo sababay inay kunturaad ku qaataan Haweenka Kubad Koley inay Caasimada Garoowe ugu qabtaan,si Shacabka loogu sii jeediyo,guuldaradda siyaasadeed ee 3-daas mas*uul ay kala kulmeen Magaaladda Muqdisho oo loo diiday 3-dii Xildhibaan ee Puntland laga dhacay in dib loogu soo celiyo,iyadoo 3-daas Xilldhibaan la siiyay Maamulka Somaliland si loo qanciyo.

Shacabkamedia-Garoowe-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions