Gaari dad lagu dardarsiiyay suuq ku yaala Jarmalka(Darawalkan Dadka laayay Wadankee ayuu ka soo jeedaa?

2016-12-20 08:57:13




12- qof ayaa ku geeriyootay ilaa 50-meeyana  waa ay dhaawacmeen, kadib markii gaari wayn lagu dardarsiiyay dad ka adeeganayay suuq Chrismas-ka ee magaalada Berlin,Boliiska ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin inuu ahaa weerar loogu tala galay

Darawalkii gaariga ayaa la xiray,waxaana uu ka soo jeedaa Dalka Poland,oo waa nin Cadaan ah,inkastoo markii hore laga cabsi-qabay inuu Muslin Carab yahay,waxaana ay u badan-tahay Nin waalan oo fariinka gaariga xamili-waayay in lagu shaabadeeyo,marba hadii uusan Muslin fir u laheyn,ninkan Dadka badan ku laayay kuna dhaawacay Caasimadda Berlin


Weerarka nayaa dadka soo xasuusiyay weerakii gaariga loo isticmaalay ee ka dhacay magaalada Nice ee Faransiiska, maalintii xornimada ee Bastille Day oo dadka ay u dabaaldagayeen 14 July,Weerarka oo ay ku dhinteen 86 qof, waxaa sheegatay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga.

Comments

Opinions