Shaxda kulanka caawa ee Arsenal iyo Man-City oo la soo saaray

2016-12-18 10:45:42


Waxaa caawa fiidkii waqtiga Geeska Afrika garoonka Etihad Stadium isku arkaya kooxaha Manchester City iyo Arsenal, waana kulanka ugu adag isbuucaan horyaalka Premier League, iyadoo labada kooxoodba ay doonayaan inay ka sii mid ahaadaan tartanka horyaalka oo sagaal dhibcood ay haatan ku hogaamineyso Chelsea.

Hadaba jariirada Ingariiska ee Metro ayaa shax isku dhaf ah ka sameysay labada kooxood ka hor kulankooda Etihad Stadium, waxaana ay u janjeersadeen dhanka kooxda reer London ee Arsenal iyagoo ka soo xushay todobo ciyaaryahan marka loo eego Man City oo ay ka soo xusheen kaliya afar ciyaartoy.

Madaama daafaca danbe ee Man City uu isku dhex yaacsan yahay xilli ciyaareedkan, Metro waxa ay doorteen inay daafaca danbe oo dhan ka soo qaataan Aresenal iyadoo goolka uu ku jiro Petr Cech; halka garbaha daafaca ay ka ciyaarayaan Monreal iyo Bellerin, iyadoo daafac dhexe ay isku wehlinayaan Koscileny iyo Mustafi.

Laakiin booska khadka dhexe ee burburiyaha ah waxaa la wareegtay Manchester City iyadoo Metro ay labada xiddig ee Man City ee Fernandinho iyo Gundogan u soo xusheen.

Seddexda boos ee kubadsameeyaha ah ee ka danbeeya gooldhaliyaha waxaa iyadana u badan Arsenal iyadoo ay ka dhex muuqdaan Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil, waxaana ku wehliya xiddiga Man City ee reer Belgium Kevin de Bruyne.

Iyadoo booska gooldhaliyaha uu soo galay Sergio Aguero iyadoo xiddiga reer Argentina iyo Fernandinho ay kulanka maanta ganaax ku seegayaan.
Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Metro:

(4-2-3-1): Petr Cech, Monreal, Koscielny, Mustafi, Bellerin; Fernandinho, Gundogan; De Bruyne, Ozil, Sanchez; Aguero.

Source:Laacib

Shacabkamedia:Kismaayo:Jubbaland

Runta Kama Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions