Hordhac kulanka caawa ee West Brom+Man-United :Mourinho oo wiilashiisa ku faaneen inay diyaar u yihiin inay joogteeyaan guulaha

2016-12-17 08:09:51



Jose Mourinho iyo kooxdiisa ayaa kusoo laabtay wadada guulaha kadib markii ay laba kulan oo xiriir ah garaceen Tottenham Hotspur iyo Crystal Palace, waxeyna markaan isha ku hayaan si ay hormarkaas u joogteyn lahaayeen.

Tony Pullis wiilashiisa ayaa kusoo dhawaan kara Manchester United madama ay kaliya afar dhibcood ka hooseyaan, waxaana haatan ay fadhiyaan booska 7-aad halka United ay booska 6-aad joogto.

Smalling ayaa markaan ka mid ah liiska ciyaartoyda United inkastoo ay ugu dambeysay inuu kooxda kasoo muuqdo 23-kii October, dhaawac suulka kasoo gaaray ayuuna mudooyinkaa dhan garoomada uga maqnaa.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: West Brom vs Man United

Tartanka: Premier League

Garoonka: The Hawthorns

Saacadda: 8:30 Fiidnimo XGA)

Garsoore: Anthony Taylor (England)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Craig Dawson ayaa kusoo laaban kara West Brom kadib markii uu ganaax ku waayay kulankii ay kooxdisa guusha ka gaartay Swansea City.

Jonny Evans ayaan kasoo muuqan doonin kulankaan madama uu dhaawac dhanka canqawga ah la tacaalayo, Saido Berahino ayaa ah mid kale oo aan la adeegsan karin madama uu wali soo kabsasho ku jiro. Tababarka ayuu kusoo laabtay balse diyaar uma ahan kulanka.

Dhanka kale Smalling iyo Valencia ayaa dib ugu soo laabtay United, halka Luke Shaw, Mkhitaryan iyo Eric Bailly aysan diyaar u aheyn kulankaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

West Brom ayaa aheyd kooxdii fiicneed mudooyinkii lasoo dhaafay, madama ay sadex kulan badisay sidoo kalana laba jeer ay guuldaro ay la kulantay lixdii kulan ee ugu dambeeyay inkato ay ku guuldareysatay iney adkaato 18-kii kulan ee ka horeeyay.



Red Devils ayaa guuldaro la kulantay hal jeer oo qura 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay u safartay The Hawthorns, iyadoo badisay 9-ka mid ah balse guuldarada waxey timid safarkii ugu dambeeyay ee dhacay March markaas oo 1-0 lagu suldaaray.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay 7-gool, sidoo kalana caawiyay 4-gool, 9-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu wajaho West Brom.

Wayne Rooneya ayaa sidoo kale u baahan hal gool oo uu kusoo dhaliyo meel ka baxsan guriga kooxdiisa, isagoo noqon doona gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka Ingiriiska kulamada banaanka madama ay haatan barbaro yahiin Shearer min 87-kulan.

Zlatan Ibrahimovic 9-ka gool oo uu dhaliyay waxey Red Devils ku heshay 8-dhibcood xagaagan. ma jiro xidig United ah oo goolashiisa dhibco intaas la eg lagu helay xagaagan.



LINE UPKA MACQUULKA AH:

West Brom:

Foster; Nyom, McAuley, Evans, Brunt; Fletcher, Yacob, Chadli, Morrison, Phillips; Rondon

Man United:

De Gea; Valencia, Jones, Rojo, Darmian; Herrera, Carrick, Pogba; Lingard, Ibrahimovic, Martia

Source:Laacib

Comments

Opinions