Ramos Oo Waqtiga Dhimashada Guul U Horseeday Real Madrid Xilli Ay Jabiyeen Rikoor yaalay 1988

2016-12-11 01:28:09


Xiddiga looga bartay goolasha waqtiga danbe Sergio Ramos ayaa mar kale waqtigii dhimashada Real Madrid u dhaliyay goolkii guusha ee ay kaga badiyeen kooxda Deportivo oo ay 3-2 kaga talaabsadeen iyadoo Los Blancos ay jabisay rikoorkooda guuldarro la’aanta iyadoo aan laga badinin 35 kulan oo isku xigta tartamada oo dhan.


Tababare Zidane ayaa isbedelo badan ku sameeyay shaxdiisa isagoo nasasiiyay inta badan xiddigihiisa waa weyn iyadoo Real Madrid ay u safreyso Japan iyagoo ka qeybgalaya tartanka Club World Cup.


Qeybtii horre ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aana h, iyadoo Los Blancos ay fursado badan heleen balse aysan ka faa’ideysanin laakiin fursadii ugu fiicneyd ee qeybtii horre ee ciyaarta waxaa heshay kooxda Deportivo kuwaasoo birta garaacay.


GOLAZOOOOO Morata!!! Real Madrid 1-0 Depor pic.twitter.com/1TEN5MuF9E


— La Liga Daily (@LaLigaDaily1) December 10, 2016


Laakiin 10 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta, Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii Isco uu kubad baas fiican u dhigay Alvaro Morata kaasoo isna durbadiiba shabaqa ka toogtay meel 20 mitir u jira goolka, waxaana ay aheyd goolkiisii 9aad ee xilli ciyaareedka ee tartamada oo dhan.


Tababaraha Deportivo ayaa bedel ku soo geliyay Joselu si uu ciyaarta wax uga bedelo, waana uu ku najaxay bedelkii uu sameeyay iyadoo Joselu uu u barbareeyay ciyaarta daqiiqadii 62aad ka dib markii uu ka faa’ideystay qalad uu sameeyay Casemiro isagoo shabaqa ka soo taabtay Navas ciyaaratana ka dhigay barbaro 1-1 ah.


Labo daqiiqo ka dib Joselu ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, waxaana uu hogaanka u dhiibay Deportivo, ka dib markii Ramos uu ku hungoobay inuu ka difaacdo kubad karoos hoose oo la soo dhigay iyadoo Joselu uu fursad ku helay mar kale Navas isagoo shabaqa ka soo taabtay.


Joselu ayaa akadeemiga Real Madrid ku jiray laakiin waxa ay iska fasaxeen isagoo aan u ciyaarin La Liga, waxaana uu caawa dib u ugaarsaday kooxdiisii horre.


Daqiiqadii 84aad waxaa tababare Zidane badbaadiyya da’ yarka weerarka ka ciyaara Mariano oo uu bedel ku soo geliyay kaasoo ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah, Lucas Vazquez ayaa karoos fiican ka soo dhigay garabka midig iyadoo Mariano Diaz uu madax ku dhaliyay.


Mariano Diaz ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Dominican Republic ee gool ka dhaliya taariikhda La Liga.


Dhamaadkii ciyaarta ayay isku dhaceen inta badan ciyaartoyda Real iyo Deportivo iyadoo ay taasi keentay in jaalayaal la siiyo Ramos iyo Navas, iyadoo Sergio Ramos uu ganaax ku maqnaan doono kulanka La Liga ee ugu soo horeeya sannadka soo socda

Haddii aad u baahan tahay gool, ciyaartana ay mareyso 90 daqiiqo – ciyaaryahankee u baahan laheyd? Waa sax waa Sergio Ramos. Kabtanka Real Madrid ayaa daqiiqadii labaad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray madaxa ku dhaliyay kubad kooner ah uu soo tuuray Kroos isagoo guul ku hogaamiyay Real Madrid oo 3-2 kaga badisay Deportivo.


Real Madrid ayaa weli lix dhibcood ku hogaamineysa horyaalka La Liga, waxaana ay kulankoodii ugu danbeysay ee La Liga ee sannadkan 2016 ay ku soo gabagabeeyeen guul iyo iyagoo jabiyay rikoorkooda guuldarro la’aanta madaama aan laga badinin 35 kulan oo isku xigta.


Waxa ay jabiyeen rikoor ay dhigeen xilli ciyaareedkii 1988-89 markaasoo ay soo martay 34 kulan oo isku xigta oo aan laga badin

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions