Akhriso:Gaas oo dhabar-jabin ku sameeyay Cameey iyo Axmed-Xaashi oo horey u hakiyay doorashadii Garoowe ilaa 3-dii Xildhibaan ee Dhulbahante iyo Warsangali laga dhacay dib loogu soo celiyo(Shaqsi Diintiisa lacag tahay ayaa Puntland Madax ka ah)

2016-12-08 17:27:50

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo maalmahan Nairobi ku baashaalaya,ayaa dhabar-jabin ku sameeyay Madxweyne-kuxigeenkiisii Cameey iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka Axmed Xaashi.

2-daas mas*uul ayaa Muqdisho maalmahan u joogay inay ka daba-taganan 3-Xidhibaan oo Dhulbabhante iyo Warsangale ay ka wada dhaceen,Ex Madaxweyne Xasan iyo Xertiisa Damjadiid oo dhaca uu u fududeeyay Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas oo diintiisa lacag tahay,meel xuna lacag ka raadiyay,waana ayaan-darro iyo taariikhxumo inuu 3-Xildhibaan ka dhaco Dhulnbahante iyo Warsangali kana iibsaddo Ex Madaxweyne iyo Xertiisa Damjadiid.

Shirkii Muqdisho ka socday,ayuu Gaas ka dhuuntay,wuxuuna ku baashaalayaa Hoteelo Nairobi ku yaala,isagoo ka warhaya,3-dii Xildhibaan ee Dhulbahante iyo Warsangali uu ka dhacay kana iibsaday Ex Madaxweyne Xasan iyo Damjaiid,inay adag-tahay inuu ku doodo ha la soo celiyo,wuxuuna taas bedelkeeda,ka dhaa-dhiciyay Cameey iyo Axmed-Xaashi inay shirka ka qeyb-galaan,una doodaan kuraasihii Dhulbahante iyo Warsangali ee Beeloow-Gaas iyo saaxiibadiis Damjadiid ay wada dhaceen.

Warsaxafadeed lagu burinayo Warsaxaafaeedkii Cameey iyo Axmed Xaashi ka soo saareen Garoowe,ayaa maanta badda lagu daray,waxaana amar lagu siiyay dib in loo bilaabo hawlihii doorashadda ee Garoowe ka socotay.

Akhriso:Gaas oo dhabar-jabin ku sameeyay Cameey iyo Axmed-Xaashi oo horey u kahiyay doorashadii Garoowe ilaa 3-dii Xildhibaan ee Dhulbahante iyo Warsangali laga dhacay dib loogu soo celiyo(Shaqsi Diintiisa lacag tahay ayaa Puntland Madax ka ah)

 

Comments

Opinions