Jabkii Puntland ka raacay shirkii Muqdisho iyo M/weyne ku-xigeenka Cameey oo 2-da Gacmood miiska saartay isagoo qalbi-jabsan murugo-siyaasadeedna ay wejigiisa ka muuqato:Qalinkii:Tooshka Wareega+Sawirka-Maanta

2016-12-07 16:09:17

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cameey oo maanta ka qeyb-galayay shirka madasha wada-tashiga oo Madaxtooyadda Muqdisho lagu qabtay,ayaa qalbi-jab kala kulmay,inuu ka dhaa-dhiciyo Beesha Caalamka ee shirka soo xaadirtay,in 3-Xildhibaan oo Dhulbahante iyo Warsangale ah laga dhacay Maamulka jilicsan ee Puntland.

Cameey ayaa si toos ah loogu sheegay,Madaxweynaha Puntland  C/weli Gaas oo maalmahana Nairobi ku baashaalaya,inuu wax ka og-yahay 3-da Xildhibaan ee laga dhacay,Sool,Sanaag iyo Ceyn.

Wejiga Cameey ayaa laga dareemayay murugo-siyaasadeed iyo qalbi-jab uu kala kulmay,inaan waxba laga soo qaadin calaacalkii uu la soo shir-tagay,waxaana lagu wargeliyay,inuu ka samro 3-daas Xildhibaan oo Madaxweynaha uu metelayo uu wax ka ogaa markii lagu wareejiyay Maamulka Somaliland oo lagu qanciyay 3-daas Xildhibaan si loo qanciyo.

Arinta kale ee ka yaabisay Cameey ayaa noqotay,markii uu la yaabay goobta shirka lagu qabanayayay oo Ex Madaxweyne Xasan iyo Xertiisa Damjadiid ay ku soo bandhigeen,sawiro boorar waa-weyn oo lagu xayeeysiinayo Ex Madaxweyne Xasan,waxaana sawiradda qaarkood la dhigay,gadaashaadda Miis uu fadhiyay Wakiilka Qaramada-Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions