Gaas oo ka dhuuntay Shir Muqdisho lagu qabanayo xili uu wax ka ogyahay 3-dii Xildhibaan ee Dhulbahante iyo Warsangali ee Muqdisho lagu dhacay(Cameey iyo Axmed-Xaashi oo Wiishka ku yeeray:Qalinkii:Tooshka Wareega ee Sh-Media

2016-12-07 01:14:51

Madaxda Maamul Goboleedyadda ayaa looga yeeray inay iska soo xaadiray Magaaladda Muqdiso oo Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran uu  berri ka furmi doono, kaasoo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka iyo  caqabadaha dhanka  cabashooyinka ka imaanaya,waxaana durba shirkq Muqdisho ka dhuuntay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo shirkan u xilsaaray inay u metelaan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cameey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Axmed Xaashi oo hadda ku soo baraarugau khiyaanadda Damjadiid iyo Gaas oo si hoose ugu heshiiyay 3-Xildhibaan oo Sool,Sanaag iyo Ceyn ka imaanayay in lagu wareejiyo Ergadda Somaliland si loo qanciyo Dirta-Waqooyi,halka qashinka lagu tuuray Looma-Ooyaanka Puntland oo nasiib-darro uu Madaxweyne u yahay,shaqsi lacagta caabudda oo meel xun lacag ka raadinaya,isagoo sharaftii iyo karaamadii Shacabkiisa ka iibsaday Xerta Damjadiid.

Sababta uu Gaas uga dhuuntay shirka berri Muqdisho lagu qabanayo,ayaa loo aaneynayaa,isagoo ka warhaya,inuu qeyb ka yahay dhaca Ex Madaxweyne Xasan oo isticmaalaya Ex Gudoomiyihii Baarlamaanka Jawaari ayaa si hoose 3-daas Xilhibaan ugu wareejiyay Somaliland,wuxuuna go*aansaday inta uu shirka Muqdisho,inay metelaan Maskiin Cameey iyo Maskiin Axmed Xaashi oo Madaxweynihii ay meteleyeen uu wax ka ogyahay dhaca 3-da Xildhibaan.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions