Doorashadda Dirta-Waqooyi Xeradda Xalane waa in lagu qabtaa:Warsaxaafeed Xafiiska Ex R/wasaare CCC Sharmaarke ka soo baxay xili Gudiga doorashada ay go-aamiyeen goobta lagu qabanayo(Original-Document)

2016-12-05 12:51:09

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka taagan jahwareer iyo muran ku saabsan halka lagu qabanayo doorashada xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Gudigga doorashadda ee u janjeera dhanka Ex Madxweyne Xasan iyo Xertiisa Damjadiid ayaa horey u go*aamiyay Xildhibaanadda Dirta Waqooyi in lagu soo doorto Xarunta Gaadiigka Booliiska oo ay ka socoto doorashadda.

Hadaba Warsaxafadeed khilaafsan midka Gudiga doorashadda ayaa waxaa soo saaray Ex R/wasaare CCC Sharmaarke,waxaana uu  talo ku soo soo jeediyay in doorashada Gobolada waqooyi ee Somaliland ka dhacdo xarunta Xalane oo ah talis u ah Ciidamada AMISOM, kuna yaallaan safaaradhaja  qaar ka mid ah Dalalka reer galbeedka.

Waxay u badan-tahay inaan waxba laga soo qaadin qoraalka ka soo baxay Maskiinka Shukulaaatadda cuna ee doonta musuq-musuqmaasuqa  ay wada saaran-yihiin ninka uu iska dhigayo inuu mucaaradayo ee Ex Madaxweyne,waxaana la filayaa sidii qashinka loogu tuuri-jiray,Warsafadeedkii uu Garoowe ka soo saari-jiray Madaxweynaha Puntland oo kale,in isagana Warsaxafadeedkiisa in qashinka lagu tuuri-doono,inkastoo la filan-karo Safaaradda Imaaraadka-Carabta oo wadata Muarsahax CCC Sharmaarke,inay soo fara-galiso,kana dhaa-dhiciso Odayaasha Reer Waqooyiga ee Muqdisho u soo qaddo doontay inay doorashadooda Xeradda Xalane u wareejiyaan.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ex R/wasaare CCC Sharmaarke oo nuqul ka mid ah Tooshka Wareega ee Sh-Media loo soo diray:

Comments

Opinions