Ciidamo Amisom Cadaan ah oo Gaalkacyo la keenay iyo Sirta ka dambaysa:Qalinkii:Horumarka-Maanta ee Xukuumadda Xaflad-Joog

2016-12-04 04:15:41

Dawladda Federaalka ayaa Muqdisho ka keentay Ciidamo Amisom oo cadaan ah,waxaana ay la shaqaynayaan 40-Ciidan ah oo Guuleed iyo Gaas ka keensadeen Magaaladda Muqdisho,si ay sheeda-sare ula socdaan heshiiskii xabad-joojinta ee la kala dhex-dhigay Maamuladda GalMudug iyo Puntland.

Aduun gaaraya 2-Malyan oo Doolar ayaa ku baxaya dhaqaalaha loo qoondeeyay Ciidamaddan Cadaan ka ah ee Xamar laga keenay,waxaana la filayaa Mashruucan dhiiga Shacabka Gaalkacyo ay kunturaadda lagu qaatay,inuusan isku soo dhaweyn-doonin Dadweynaha 23-da Maamul oo Jambal dhiig leh Muqdisho looga soo tuuray si ay isu laayaan,iyadoo Ex Madaxweyne Xasan oo xarash qaas ah u hayo Beesha Sacad oo 1992-dii gurigiisii Madiino ee Gobolka Banaadir bililiqeysatay uu wacad ku maray inuu galinayo dagaal ay ku dhamaadaan oo ay Puntland la galaan,isagoo u adeegsanaya Guuleed iyo Gaas.

Waxaa xusid mudan 2-daas Malyan oo Doolar ee kunturaadda lagu qaatay leynta Shacabka Gaalkacyo,inay abaarta ka saari-laheyd,dhamaan Shucuubta 2-da Maamul ku dhaqan,waxaana ugu yaab badan,40-ka Ciidan ee Sirdoonka Danab ee Damjadiid ka tirsan ee Dawladda Federaalka hos-yimaada,inay qeyb ka yihiin,Ciidamaddan Gaalkacyo nabad ilaaalinta loo keenay,waxaana fajaciso nagu noqotay,Xukuumada Xaflad-Joog,marna Ciidamadda Dawladda Federaalka waxay leeyihiin dagaalka Gaalkacyo ayay qeyb ka yihiin,maantana Gaalkacyo iyagoo Amisom ah ayay joogaan(Cajiib)

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions