Trump oo General loo yaqaan(Mad-Dog:Eyga Waalan)u magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga(Maxaa lagu xasuustaa Generalkan?

2016-12-03 03:13:07


Janaraal James Mattis  oo loo yaqaan "Mad Dog" (Eyga-Waalan) ayaa Madaxweynaha Mareykanka Trump u magacaabay Wasaaradda Gaashaandhiga,waxaana lagu xasuustaa weeraradii uu ka qeyb qaatay Dalalka  Ciraaq iyo Afghanistan,waxaana laga cabsi-qabaa inuu weerar ku qaaddo Iiraan kana hor imaan doono heshiiskii Niyuukleerka ee Obama la galay Iiraaniyiinta,iyadoo Janaraalkan uu aaminsan-yahay luqad Milateri lagula hadlo Wadamadda ka hor yimaadda danaha USA.


Donald Trump ayaa u sheegay dad fara badan  oo isugu soo baxay magaalada Ohio in General Mattis uu gacan bir ah ku qaban-doono Dalalka isku taaga siyaasada Mareykanka.

Waxa uu ka dhawaajiyay  weerrrkii Isniintii la soo dhaafay uu Jaamacadda Ohio ku qaaday wiilkii Soomaaliga ahaa inuu isbadello ballaaran ku sameyn doono sharciga socdaalka ee haatan jira,taasoo loo fasirtay inuu Soomaalidda iyo Muslimiinta si qaas ah loola dhaqmi-dooono.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions