3-Tuulo oo diiday Zekadda Alshabaab inay bixiyaan oo deegaanadda GalMudug ka tirsan oo la gubay(Maamulkii Cadaado oo difaaci lahaa oo ku mashquulsan Aqal-Sare iyo Aqal-Hoose

2016-11-30 14:46:19

Tuulooyin hoos yimaadda Degmadda Xarardheere ee Maamulka GalMudug ayaa waxaa dab qabad-siiyay Koox Alshabaab ka tirsan oo markii loo diiday canshuur baad ah,dab iyo kabriiid ku daaray buulashii Aqal Soomaaliga ahaa ee Reer guuraaga deganaayeen.

Shacabkii 3-da Tuulo laga gubay ayaa dhibaato ba*an iyo rafaad la soo deristay,waxaana buulashoodii oo la gubay uu ku soo aadayaa,xili abaaro ba*an ay la daala dhacayaan,iyadoo xoolihii inta badan ay abaarta ka laysay,waxayna ku doodayaan inaysan awoodin Zekadda baada ah ee Alshabaab inay bixiyaan.

Maamulkii Cadaado ee difaaci lahaa Reer baadiyahan Tuulooyinkoodii la gubay,ayaa ku mashquulsan xulidda Xildhibaanadda Aqalka-Sare iyo kuwa Aqalka-hoose ee saaxiibadood Xerta Damjadiid u soo wakiisheen inay soo xulaan.

Beesha Caalamka iyo Madaxda Galmudug ee Cadaado oo qura ka taliya ayay ka codsadeen inay u soo gurmadaan,iyadoo laga cabsi qabbo inay argagaxisadda Alshabaab gubaan Tuulooyin hor leh oo Koonfurta Mudug ka tirsan.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions