Ex M/weyne Xasan iyo Damjadiid oo isbaaro u dhigtay Aqoonyahanad Caasho Xaaji Cilmi inaan lagu soo darin Xildhibaanada GalMudug(Beesha Xaaji Saleebaan ee Gaabane iyo Ugaas C/laahi Ugaas Faarax oo Guuleed u hanjabay):Qalinkii:Tooshka Wareega ee Sh-M

2016-11-25 01:00:54

Xerta Damjadiid iyo Ex Madaxweyne Xasan oo adeegsanaya Madaxweynaha GalMudug C/kariin Guuleed ayaa wacad ku maray inaysan marnaba ogolaan-doonin Aqoonyahanad Caasho Xaaji Cilmi inay ka mid noqoto Baarlamaanka Aqalka-hoose ee Maamulka GalMudug.

Caasho Xaaji ayay Damjadiid u arkaan inay ka mid tahay mucaaradkoodda dhaliishan,waxaana ay cadaawad u qaadeen kolkii ay la safatay Ex Reysawaale Saacid Shirdoon oo nolosha ay wadaagaan,iyagoo maseer-siyaasadeed u qaaday haweenaydan lagu colaadinayo odaygaaga Saacid Shirdoon maxaad ula safatay,xiligii ay is-hayeen Ex M/weyne Xasan iyo Damjadiid.

Madaxweynaha GalMudug C/Kariin Guuleed oo la kulmay Odayaasha  Beesha Xaaji Saleebaan ayaa si toos ah ugu sheegay,inay ku adag-tahay inuu liiska Murashaxiinta Haweenka Xaaji Saleebaan ee Gaabane uu ku darro Aqoonyahanad Caasho,waxaana uu tallo uu ku siiyay inay qof kale booskeeda ku soo buuxiyaan.

Guuleed ayaa ku doodayo ujeedada Cadaado Dayuuradda Muqdisho looga saaray ee 3-KM ee Cadaado ka kooban-tahay Madaxweyne looga dhigay ay aheyd,inuu Xildhibaanadda Aqalka-Sare iyo kuwa Aqalka-Sare ee Maamulka gacan ku rimiska ee GalMudug uusan ka buuxin qof mucaarad ku ah Ex Madaxweyne Xasan iyo Xertiisa Damjadiid.

Dhanka kale Ugaaska Beesha Xaaji Saleebaan Ugaas C/laahi Faarax iyo Beesha Gaabane ee Xaaji Saleebaan ayaa wacad ku maray dhankoodda hadii Caasho Xaaji Cilmi aan lagu darin liiska Murashaxiinta inay  Guuleed iyo Damjadiid ay luqad adag kula hadli-doonaan,taasoo loo fasirtay,hadii Madaxweynaha GalMudug uu isbaaro u dhigto Aqoonyahanad Caasho Xaaji,inuu boorsooyinkiisa ka laa-laaban-doono Cadaado,Dayuuradii Muqdisho ka keentayna dib loogu celi-doono.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions