M/weynaha Wareega ee Puntland oo caradii uu ka qaaday abaaraha ku dhuftay Dhul-Udug u dalxiis-tagaya 3-Dal oo Afrika iyo Aasiya ku yaal(Lacagta Dayuuradaha uu ku kireysanayo muu Abaaraha u isticmaalo:Qalinkii:Dalxiiska-Maanta

2016-11-24 16:36:57

Madaxweynaha Wareega ee Puntland C/weli Gaas ayaa caradii uu ka qaaday abaraaha ku dhuftay deegaamo Puntland ka tirsan u dalxiis-tagaya Dalalka Itoobiya,Singapore iyo Shiinaha.

Inta uu sawirro la soo gallo Madax Itoobiyaan,Sinkgapore iyo China ayuu ku faani-doonaa,sidii looga bartay inuu Dalalkaas kala soo hadlay horumar iyo barwaaq,xili la wada og-yahay xaalka barako malaha inuu gaaray Dhulkii Dal-Udug oo 18-sanno kadib,uu nasiib-darro Madaxweyne hal cod oo mucjsio ah ku guuleystay uu dhulka la galay,kana reebay asaagii ay la xisaabtami-lahaayeen Shacabka Puntland oo qalbji-jabkii ugu xumaa ka qaaday Xukuumadda Xaflad-Joog.

Caalamka kama dhicin Madaxweyne Dadkiisii abaar aad u xun ay ku dhufatay oo dalxiis iyo baashaal u baxaya,waxaan sugnaaba maalmaha soo socda waa isagoo sawirro ka codsadda inuu la gallo Madaxda Dalalka uu Dalxiiska uu ku tagayo ee Itoobiya,Singapore iyo Shiinaha,waxaana wanaagsaneyd lacagta uu Dayuuradaha ku kireysanayo inuu Abaraaha u isticmaalo,laakiin kalama jecla,waayo waa Shaqsi ku caan-baxay naxariis-darro iyo inuu ku tunto canshuurtii laga soo aruuriyay Dadweynaha Puntland oo halkii ay aheyd canshuurtii uu ka qaaday inuu wax ugu qabto,Dayuuraddo la kireysto iyo Dalxiis ayuu caaddo iyo dhaqan ka dhigtay.

Inta uu Adis-ababa joogo Gabar-yar oo Jaamacad dhigato kana soo jeedo Puntland  oo uu qudba-sirro ku qabbo ayuu la hasaawi-doonaa,lamana yaqaan inay Singapore iyo Shiinaha u raaci-doonto.

Arinta naga yaabisay ayaa noqotay,inuu ku faanay inuu casumaad ka helay Madaxweynaha Shiinaha(Alla-Been-badanaa)ma caruur buu u sheekanayaa?xili aan xog ku heyno inuu casumaad ka helay Shirkad Shiineys ah oo Kaluumeysato ah,waxaana u soo waasteeyay Ganacsadde C/weli Cali Taar(Puntland-Canadian)oo ka dhaa-dhiciyay inuu Badda Puntland ka kireeyo Kaluumeysato Shiineys ah,lacagta ka soo baxdana ay 50-50 u wada qeybsadaan.

Reer Puntland ha duceystaan xaalka barako malaha ayuu hadda marayaa,Madaxweynihii looga fadhiyay inuu dhexda dhuuqsaddo oo ka qeyb-qaato abaaha ba*an ee Dhul-Udug ku dhuftay,waxaa uu taas bedelkeeda go-*aansaday inuu Dalxiis iyo Baashaal ku taggo Itoobiya,Singapore iyo Shiinaha.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions