War hadda soo dhacay:Ex M/weyne Xasan iyo Gaas oo shaqsigii ay u wateen Gudoomiyaha Baaralmaanka oo cod aqlabiyad ah doorashadii Garoowe ku guuleystay(Beeshee ayuu ka soo jeedaa?

2016-11-23 15:59:06

Ex Madaxweyne Xasan iyo saaxiibkiis Magaaladda Garoowe u soo xulaya Xildhibaano Xerta Damjadiid taagheersan C/weli Gaas ayaa ku guuleystay inay cod aqlabiyad ah ku soo saaraan shaqsi ay doonayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka in laga dhigo.

Shaqsigan Damjadiid ka tirsan Wasiirna ka ahaan jiray Muqdisho,ayaa lagu magacaabaa Daa*uud Bisle,Beesha Dhulbahante ayuu kursigan ka soo dhacsaday,waxaana u codeeyay 40-Ergo oo 30 ka mid ah Madaxtooyadda Garoowe lagu soo qoray magacyadoodda,si ay codka u siiyeen shaqsigan dhabar-jabin-doonta hamiga Beesha Daarood ka qabto kusiga Madaxweynaha ama kan Reysalwasaaraha.

Culusoow iyo Gaas ayaa isku balansaday sanadkan doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Beesha Daarood inay siiyaan,halka Reysalwasaare isku raaceen Digil iyo Mirifle inay siiyaan,iyadoo Madaxweynaha ay u qorsheysteen Ex Madaxweyne Xasan in mar 2-aad dib loo doorto.

Waxaa xusid mudan inay dhici-karto qorshaha Culusoow iyo Gaas inuu fashil ku yimaado,maadaama aysan weli dhicin Shaqsi Madaxweyne ah mar 2-aad in la doorto.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions