Ganacsadde Imaaraadka-Carabta laga soo masaafuriyay Cabdi Yare(Abuu-Geed-Gooye)oo 300-000-Doolar ku iibsaday kursi Xildhibaan Magaaladda Garoowe(Bye-Bye Ex-Xildhibaan kulalihi)

2016-11-23 15:04:21

Ganacsadde Dalka Imaaraadka-Carabta laga soo masaafuriyay kana tirsan Jaaliyadda Puntland ee Dalka Norway Cabdi-Yare(Abuu-Geed-Gooye)ayaa ku guuleystay kursigii Xildhibaanimadda ee Beesha Ugaar-Saleebaan.

Ganacsadahan ayaa aduun gaaraya 300-000-Doolar ku bixiyay kursigan uu ka dhacsaday Xildhibaan Kulilihi oo ka mid ah Xildhibaanadii uu ka cabsi-qabay Madaxweynaha Puntland inuusan codka siin Ex Madaxweyne Xasan oo C/Weli Gaas Malaayiin Doolar oo laaaluush ah lagu siiyay inuusan Xildhibaanadda ku soo darin kuwo codkoosan aan siin doonin xerta Damjadiid iyo Ex M/weyne Xasan.

Hadii Xerta Damjadiid ay ku guuleysteen inay is dhaafiyaann Xildhibaan Kulalihi oo Tooshka ku shidi-jiray inay sidoo kale Gaas oo jeebkiisa ay la hadleen ay  ku qasbi-doonaan inuu dhaafiyo Xildhibaan Cabdi-Barre oo ay ka cabsi-qabaan in loo doorto Xildhibaanimo,maadaama uu runta ka sheego damaca sumeysan ee Xerta Damjadiid.

Waxaa xusid mudan lacagta 300-000 Doolar ee Cabdi-Yare(Abuu-Geed-Gooye)inuu Imaaraadka-Carabta lacagta uu ku guuleystyay uga soo shubay walaalkiiis Ganacsadde Geelle.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions