Ciidamadda Sirdoonka Damjadiid ee Danab oo Gaalkacyo la keenayo(AG+SH) kunturaadna Hey*adda UNDP uga qaatay inay kala dhex-galaan Galmudug iyo Puntland oo Jambal-dhiig leh Muqdisho looga soo xawilay:Qalinkii:Tooshka Wareega ee Sh-Media

2016-11-21 10:56:53

Ciidamo ka tirsan Sirdoonka Damjadiid ee Danab ayaa la filayaa maalmaha soo socda Magaaladda Gaalkacyo inay soo gaaraan,si ay u kala dhex galaan Maamuladda GalMudug iyo Puntland oo Jambal-dhiig leh Muqdisho looga soo xawilay si ay isku laayaan 2-da dhinac oo Madaxweynayaal ay ka yihiin Calooshood u shaqeystayaal Guuleed iyo Gaas.

Askarta Sirdoonka Damjadiid  oo Beelaha Abgaal iyo Shiikhaal u badan(AG+SH) ayaa sidii AMISOM askarigiiba qaadan-doono 1000-Doolar,waxaana mushaarkoodda bixinaya Hey*adda UNDP,waxaana tiradooda lagu soo koobi-doonaa 30-meeyo sidda Tooshka Wareega ee Sh-Media  uu xog ku helayo,waana arin lala yaabo Abgaal iyo Shiikhaal oo deegamadoodii Alshabaab ka xoreysan-waayeen inay Askar AMISOM ka noqdaan Gaalkacyo(Cajiib)

Horumarkii uu sheegayay Madaxweynaha Puntland ayaa noqotay inuu Sirdoon Damjadiid uu Gaalkacyo kunturaad uga qaato inay nabad ilaalin ka noqdaan,iyagoo la socon-doono xabad-joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Gaalkacyo ay ku gaareen Guuleed iyo Gaas oo Mashruuc ka dhigtay dhiiga Shacabka Mudug.

Bilahan waa laga nastay dilalakii iyo qaraxyadii Muqdisho Gaalkacyo looga soo xawili-jiray,horey ayaa lagu xasuustaa Sirdoonka Danab kolkii Gaalkacyo la keenay Qaraxyo Dad badan lagu laayay in lala beegsaday Dawladda-Hoose iyo Suuqa Dayax,waxayna u badan-tahay iyagoo ka faa*ideysanaya inay yihiin nabad ilaalayaal inay Qaraxyo hor leh ka dhigaan Gaalkacyo.

Waxaan sidii horey aan uga dignay Shacabka Gaalkacyo uga digaynaa inay il-gaar ah ku hayaan Sirdoonka Damjadiid ee Danab oo Muqdisho Dayuurad looga soo daad-guren doono inay ku soo wajahan-yihiin Magaaladii ay Qaraxyadda geysteen xili ay iska dhigayeen inay yihiin Nabad-Sugid Dawladda federaalka.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions