War hadda soo dhacay:Maleeshiyaad aan ka amar-qaadan M/weynaha GalMudug oo caawa 3-dii Habeenimo Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo weerar ku qaaday xili saacaddo ay ka soo wareegeen heshiis nabadeed oo Guuleed iyo Gaas kala saxiixdeen

2016-11-19 03:01:32

Maleeshiyaad aan ka amar-qaadan Madaxweynaha GalMudug C/kariin Guuleed ayaa weerar caawa 3-dii habeenimo ku qaaday Suuqa Darxumo ee  Magaaladda Gaalkacyo,xili saacaddo ay ka soo wareegtay nabadii iyo heshiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo GalMudug.

Maleeshiyaad ka soo horjeeddo heshiiskii M/weynaha GalMudug la galay Maamulka Puntland  ayaa weerar qorsheysan ku soo qaaday Suuqa Darxumo,waana markii 16-aad Maleeshiyaad aan cidna ka amar-qaadan oo Xaafadda Baraxleey ee Maamulka Galmudug ka tirsan ay ka horyimaadaan nabad in lagu wada noolaaddo Magaaladda Gaalkacyo.

Xaafadaha Horumar iyo Garsoor ayaa laga maqlayaa dhawaqa rasaastan u badan Qoryaha fudud,iyadoo ilaa iyo hadda Ciidamadda Puntland aysan ka jawaabin weerarkan Suuqa lagu soo qaada.

Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Michael Keatig  iyo Reysalwasaare CCC Sharmaake ee dhex-dhexaadinayay Guuleed iyo Gaas ,ayaa la yaab ku noqotay Madaxweynaha GalMudug C/kariin Guuleed inuusan awoodin inuu xakameeyo Maleeshiyaad aan cidna ka amar-qaadan oo Xaafadda Baraxleey weerarka ka soo qaaday.

Madaxweynaha Puntland ayaa  weerarka kadib,amar ku siiyay Ciidamadda Puntland inay is-xakameeyaan,oo aysan u jawaabin Maleeshiyaadkan Suuqa soo weeraray,hadii aysan isticmaalin Qoryo cul-culus,iyadoo weerarkan uu noqonayo kii 16-aad,waxaana la isku raacay rajadda laga qabbo nabadda Gaalkacyo lagu soo daabullo inay aad u yar-tahay,inta Maleeshiyaadka Xaafadda Baraxleey ku suggan ee aan ka amar qaadan Madaxweynaha GalMudug C/kariin Guuleed,ay adag-tahay in la xakameeyo weeraradda ay soo qaadayaan,iyagoo aan raali ka aheyn nabadda iyo heshiiska la gaaray.

Waxaa xusid mudan inta la leeyahay GalMudug Gar-Leh Puntlandina Gar-leh oo aan runta loo sheegeynin cidda weerarka iyo nabadda diidan inaan rajjo laga qabin in la xaliyo colaadda Gaalkacyo oo mas*uuliyadeeda ugu weyn iska leeyihiin,Ex M/weyne Xasan,Ex R/wasaare CCC Sharmaarke,Guuleed,Gaas iyo Wakillka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Keating oo ilaa iyo hadda aan runta u sheegin cidda weerarka iyo nabadda diidan,waxaana hadii aan runta la isku sheegin geeriyoon doono Boqolaal qof oo hadda nool,iyadoo horey Boqolaal qof ay u geeriyoodeen,dagaal ka qarxay Waddo iyo Maxjar ay dhisan lahaayeen Maamulka Puntland oo laga hor istaagay.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions