Putin oo ku hanjabay inuu weerarayo Sacuudiga iyo cabsi Boqortooyadda Reer Aala-Sacuud la soo gudboonaatay

2016-11-19 02:43:55

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku hanjabay in Dalkiisa uu duqeynayo Sucuudiga si meesha looga saaro boqortooyada taageerta Argagixisada daacish sida uu yiri.

Afhayeen u hadlay Putin oo Warbaahinta kula hadlay Moscow ayaa sheegay in Ruushka uu duqeynayo Sucuudiga haddii uusan Sucuudiga joojin taageerada Ururka Daacish ee ka dagaallamaya Suuriya.

Wargeyska Maalinlaha ah ee Novaya Gazeta, kana soo baxay Moscow ayaa qoray in Madaxweyne Putin uu qorsheynayo dhameynta colaadda Suuriya isaga oo adeegsanaya awooddiisa maaddaama Mareykanka uu galay isbeddel Siyaasadeed islamarkaan hadda kali ku noqonayo howlgalka Suuriya.

“Boqortooyada ma kacdada ah ee awoodda is bidday taageertana Argagixisada ugu xun caalamka,waan Bombeyn doonnaa,waxaana ku celin doonnaa noloshii Carabtii badowga ahayd ee dhagxaanta ku hoos noolaan jirtay”ayuu yiri Mr Putin.

Sidoo kale waxaa uu Sucuudiga ku eedeeyay in inta badan Waddamada Caalamka ay colaadaha ka jiraan ay Sucuudiga ku lug leedahay,islamarkaan ay dhaqaalo farabadan ku bixiso dagaallada ka holcaya dunida carabta iyada oo taageere aan buurneyn ka heysata Mareykanka.

Reer Aala-Sacuud wali kama hadlin hanjabaadda madaxweynaha Ruushka Putin ee ah in uu weerarayo haddii aysan joojin taageerada Daacish ee uu ku eedeeyay,waxaana cabsi lasoo gudboonaatay Boaortooyadda Reer Aala-Sacuud,

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions