Damjadiid oo ujeedadii ay ka laheyd Maamuladii ay gacan ku-rimiska ku samaysay ee Hirshabeele iyo GalMudug ku guuleysatay(Agaasimihii M/tooyadda,ku-xigeenkiisa iyo Taliyihii Ilaaladda Ex M/weyne Xasan oo Baarlamaanka Aqalka hoose ku biiray)

2016-11-17 12:54:07

Agaasime-ku-xigeenkii Madaxtooyadda Cali Balcad iyo Ku-xigeenkii Saadaq C/kariin ayaa ku guuleystay kuraasta Xildhibanaadda Aqalka-Hoose ee Maamulka Hir-Shabeel,iyadoo Taliyihii Ciidanka Madaxtooyadda Aadan Kamaandeey uu isna ka mid noqday Xldhibaanadii gacan ku rimiska ahaa ee Madaxtooyadda laga soo qoray.

Xeel-dheerayaasha ka faaloodda Arimaha Siyaasadda ayaa horey u saadaaliyay marba hadii Ex Madaxweyne Xasan isagoo xiligiisii dhamaaday Bishii hore ee Septembar uu hadanna si khiyaano leh u meel-marsaday inuu Maamul Hirshabeele gacan ku rimis ku sameysto,isagoo horey Maamul Gobol iyo Bar ka kooban ee GalMudug uu si juujuub ah Maamul Goboleed shuruudii ugu bixiyay uga dhigay.

Hadii Puntland uu Madaxweyne ka noqon-lahaa shaqsi adag,ayaa la isku raacay inay adkaan-laheyd Ex Madaxweyne Xasan inuu si sahal ah Maamulo gacan ku rimis ah ku sameeyo,laakiin nasiib-daradda ku dhacday Shacabka Puntland,shaqsi Boorso la wareegaya oo lacag jaceyl lagu imtixaamay ayaa Madaxweyne ka ah Maamulka Garoowe,taasoo sababtay fiisa-kaarka in la marsaddo,siyaadana looga adkaaddo,waxaana lagu mashquuliyay Magaaladda Gaalkacyo oo Jambal Dhiig leh lagu soo dhex tuuray.

Xerta Damjadiid ayaa inta badan kuraasihii ka imaanayay Hirshabeele iyo GalMudug  ku guuleystay,waxaana kor u kacday rajadda ay ka qabaan inay 4-sanno ee soo socota inay kursiga mar 2-aad qaab musuq-maasuq ah saaxiibkood Ex Madaxweyne Xasan ugu fariisiyeen.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions