Guleed oo Michael Keating u gudbiyay Dukiminti Gaas xiligii uu R/wasaaraha KMG ahaa uu Caalin u saxiixay Mudug iyo Galgaduud Maamul Goboleed in loo sameeyo(Wiilka-Dhuusamareeb oo Qodobka 4-aad ku qoray Galgaduud iyo Mudug in la is-raaciyo)

2016-11-16 12:10:22

Madaxeynaha GalMudug ayaa Wakiilka Qaramada-Midoobay Michael Keating oo Gaalkacyo ay ku wada sugan-yihiin u gudbiyay Warqad uu ku cadaynayo C/weli Cali Gaas oo Reer Dhuusamareeb ah,xiligii uu Reysalwasaaraha KMG ahaa inuu Madaxweynihii hore ee Galmudug,xiligii aysan shuruuda buuxin,inuu u saxiixay Mudug iyo Galgaduud in la is raaciyo si Maamul 2-Gobol ka kooban oo shuruudihii u buuxiyay ay u noqoto.

Colaadda Gaallacyo ka taagan ayaa waxaa mas*uuliyadda ugu weyn qaadanayo C/weli Gaas oo aan ka fikirin Maamul Gobol iyo Bar ka kooban,inuu saxiixo 2-Gobol inay isku noqdaan,isagoo aan ka fikirin inuu Madaxweyne hal cod oo mucjiso ku guuleysto uu Puntlnad ka noqon-doono.

Hadaba Gaas oo caradii uu ka soo qaaday guuldradii xilka Madaxweynaha ay uga guuleysteen Xerta Damjadiid ayaa kolkii uu hadda Madaxweyne Puntland ka noqday wiishka ku yeeray ogaadayna inuu galay khalad Qarniyo sabab u noqon-doonto Kumanaan kun Mudug iyo Gaalkacyo inay ku geeriyoodaan,maadaama uusan marnaba ka fikirin dhibaatadda ay keeni-doono Maamul Gobol iyo Bar ka kooban inuu 2-Gobol ka dhigo.

Hoos ka akhriso:Qodobka 4-aad ee Guuleed uu ku andacoonayo Gaas inuu Mudug iyo Galgaduud is raaciyay,xiligii uu R/wasaaraha KMG ahaa:

 

 

 

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

 

Comments

Opinions